Xidhiidh Baa Ka Dhexeeya Hal Abuurka Iyo Waallida (Q.1)

21
3107

Hargeysa (Geeska) – Marka aynu dib u raacno taariikhda dadkii maskaxda iyo garashada magaca ku helay, waxa aynu arkaynaa in John Nash aanu keli ku ahayn khalkhalka iyo xanuunnada nafsiga ah. Waxa ay taariikhyahannadu isku waafaqsan yihiin in caalimkii weynaa ee Isxaaq Newton oo ah ninkii uu maskaxdiisa ka soo maaxday cilmiga iyo xeerarka cuf is-jiidadka, sida oo kalana curiyey qalabka diiradda (Weynaysada), uu qabay cudurka nafsiga ah ee gooni joogga ama faquuqa keena oo afka ingirisiiga lagu yidhaahdo ‘Autism’ qulubka. Caalimkii kale ee Einstein oo ahaa ninkii horumariyey aragtida U-eegidda ee afingiriisiga lagu yidhaado ‘Relativity’waxa uu isna qabay xanuunno nafsadeed oo uu ka mid yahay xanuunka faquuqa / Autism ka. Waxa uu ahaan jiray gooni joog, bulshaqada ka dhex soocan. In uu walxaha la macaamilo ayaanu ka jeclaa in uu dad la macaamilo.

Einstein waxa uu lahaan jiray habdhaqanno aan qofka caadiga ah laga filan. Isaga oo ka qaybgalaya munaasabado heersare ah oo dadka dabaqadda ugu sarraysa ee bulshada ahi isugu imanayaan, ayaa uu iska sii xidhan jiray labbis aad u baali ah, oo weliba googo’ iyo wasakhi ka muuqato. Waxaa iyaduna ka sii yaab badan in Einstein marmarka qaarkood uu jeedin jiray khudbado ay adag tahayba in inta badan ee dadka dhegeysanayaa fahmaan, waxa uu ka hadlayo.

Sii wad tirada; Farshaxankii reer Holland ee Vincent Van Gogh oo lagu tilmaamo ragga ugu caansan taariikhda fanka iyo farshaxanka ee reer galbeedka ayaa isna caan ku ahaa habdhaqanno dadku la yaabaan, qaarkoodna calaamad u yihiin in aanu maskax ahaan dhammayn. Aynu soo qaadanno mid ka mid ah falalka illaa hadda taariikhdu illaawi weyday ee ninkan lagu arkay. Waxa uu jeclaaday gabadh, kaddib inta uu labadiisa dhegood mid jaray ayaa uu hadyad ahaan ugu diray, si uu ugu xaqiijiyo illaa xadka uu jecel yahay.

Von Gogh waxa kale oo uu lahaa suuxdin aad u kakan oo inta uu dhaco ay xubnaha oo dhami isku jajabayaan, aadna uu u rafanayo, mararka qaarkoodna inta uu miyirkiisu tago uu dadka ku xeeran khatar ku ahaa. Waxaa dhacday in mar dirqi lagaga badbaadiyey nin ay jaal ahaayeen. Waa Farshaxankii Paul Gauguin oo uu mar isaga oo aanu miyirkiisu joogin isku dayey in uu dilo.

Xaaladda nafsiga ah ee uu ku jiray oo uu ugu horreeyey qulub iyo isku daadasho dhinaca dabeecadda ah, ayaa ku kallifay in uu jacayl aad u badan iyo xiise aan joogi lahayn u qabo sawir-gacmeedka. Waxaa dhici jirtay in farshaxanno aad u adag, sawirkooduna adagyahay uu muddo aad u gaaban ku dhammaystiri jiray. Laakiin marka uu dhammeeyo ayaa uu haddana xaalado nafsi ah geli jiray oo marmarka qaarkood maskaxdiisa beddeli jiray, waana ta gaadhay in mar uu aakhirkii naftiisa dilo. Kaddib dhowr jeer oo hore oo uu ku fashilmay in uu is-dilo.

Mulaxankii iyo muusishankii (Muusik-yahankii) caalamiga ahaa ee Ludwig van Beethoven ayaa isna ka mid ahaa dadka taariikhda hal-abuurka magaca ku leh ee lagu ogaa in ay qabeen xaalado nafsi ah oo marar badan maskaxdoodu aanay buuxin.

Beethoven murugo joogto ah, qulub, sakati iyo cabsi warwar ku abuuraysa iyo xaalado maskaxdiisa marar baddan doorinaysay ayaa lagu arkay. Isaga laftigiisu waa uu isku ogaa oo waxa uu aad ugu dadaali jiray in uu ka adkaado, dadkana ka qarsado. Laakiin waxa ay taasi ku hoggaamisay in uu maandooriye si aan xad lahayn u isticmaalo.

Ugu dambayntiina aynu xusno hal-abuurkii weynaa ee Ingiriis, Charles Dickens, waa qoraagii caanka ahaa ee qoray buuggii sheekada caanka ah ee ‘Qisada laba magaalo’ (A Tale of two Cities).

Waa sheeko-faneed uu kaga warramayo dhacdooyin ka dhacay magaalooyinka London, iyo Paris intii uu socday kacaankii Faransiisku. Waxa uu sawirayaa dhibaatadii dadkii dabaqadda hoose ee muruqmaalka aha aka soo gaadhay gumaadkii iyo xukunkii ku amar ku taaglaynta ahaa ee dabaqadda sare sannadihii kacaanka ka horreeyey ku haysay dadka.

Beethoven waxa uu qabay xaalad nafsi ah oo dhimirka wax waxyeelaysay, waxa lagu arki jiray qulub, isla hadal iyo in uu mar kasta xaalad warwar leh ku noolaado. Beethoven waxa uu lahaan jiray dabeecado aan dadka caadiga ah lagu aqoon oo aad u badan, tusaale ahaan inta uu habeenbadh gurugiisa ka soo baxo, ayaa uu iska lugayn jiray masaafo dhan illaa 8 kiiloomitir habeen keliya, isaga oo aan wax ujeeddo cad ah u socon. Waxa ka sii yaab badan in uu habeennada qaar guryaha saaxiibbadii daaqadda ama saqafka sare sida tuugta uga soo dhici jiray, isaga oo marka lagu tooso ee la weydiiyo sababtana ku andacoon jiray in ay ka ahayd keliya kaftan iyo in uu ka yaabiyo. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here