Xiddiggii Kubadda Cagta Ee Ronaldinho Oo Safarka Laga Mamnuucay Iyo Akoonkiisa Oo Ay $ 7 Oo Keliyi Ku Jiraan

47
4324

Brasília (Geeska)- Garsoore maxkamadeed ayaa soo saaray go’aan uu ku hakinayo baasaboorka xidiggii reer Baraasiil ee Ronaldinho, oo deynta lagu leeyahay ay gaadhay 2 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Garsooraha ayaa go’aankan safar ka mamnuucista Ronaldinho ah gaadhay, kaddib markii dawladdu soo xaqiijisay in lacagta xisaabtiisa bangiga ku jirtaa ay tahay 7 doolar oo keliya, taas oo macnaheedu yahay in deynta lagu leeyahay aan laga helayn xisaabtiisa, sidaa awgeed in uu dalka ka baxaa ay keeni karto in uu lacagtaas lagu leeyahay bixin waayo.

Ronaldinho iyo walaalkii ayaa ay hore maxkamaddu ugu xukuntay ganaax lacageed, kaddib markii ay ku heshay dembi ah in ay guri sharci darro ka dhisteen deegaan dan guud ah oo hore looga mamnuucay dhismaha. Ganaaxa la saaray iyo deynta lagaga yeeshay kharashkii ku baxay dacwad uu muddo afar sano ah ku jiray, ayaa xayiraad loo saaray hantidii Ronaldinho, laakiin lacagta laga rabo ayaa ka badatay hantidan la xayiray, taas ayaana sababtay in la diido in uu dalka ka baxo, inta uu lacagta laga rabo bixinayo ama keenayo hanti u dhiganta oo loo haysto.

Waxaa shakiga garsooraha sii badiyey, hab-nololeedka xiddigii hore ee kubadda cagta adduunka, oo la sheegay in aanu u dhigmin lacagta ku jirta xisaabtiisa bangiga, taas sababteeduna noqon karto in uu si badheedh ah lacagtii uga saartay akoonkiisa bangiga. Arrimaha kale ee tuhunka garsooraha sii badiyeyna waxaa ka mid ah safarradiisa dibadda ee uu ugu dambeeyey kii uu dhowaan ku tegey dalalka Shiinaha iyo Jabbaan oo la xidhiidhay xayeysiisyo uu shirkado u samaynayeym taas oo laga fahmi karo in lacagta runta ah ee uu haystaa ay ka badan tahay inta ku jirta akoonkiisa.

Muddooyinkii u dambeeyeyna xidiggan reer Baraasiil waxa uu safarro ku tegey dalal kala duwan oo Afrika iyo Yurub, ah sida oo kale shirkadda Nike ayaa dhowaan soo saartay kabo magaca xidiggan sita, taas oo la ogyahay in uu dakhli aad u badan ka helayo. Sida uu garsooraha xayiraadda saarayba sheegayo.

Bishan aynu ku jirno 17 keedana waxa uu Ronaldinho ka qaybgeli doonaa ciyaar kubadda cagta ah oo loo bixiyey, ‘Ciyaarta xiddigaha’ ciyaartaas oo saaxiibtinimo ah ayaa ka dhacaysa magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here