Xeeldheereyaal Deegaan Oo Ku Taliyey In Cashuur Laga Qaado Qof Kasta Oo Hilib Cuna

47
3176

Dubai (Geeska)- Xeeldheereyaasha deegaanku waxa ay aaminsan yihiin in aanay waxba ku kala duwanayn dhibaatada caafimaad iyo deegaan ee ka dhalata nuugista sigaarka iyo ku talaxtagga cunista hilibku. Sidaa awgeed ay muhiim tahay in si isku mid ah loola xisaabtamo labada qolaba. Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in hilib cunista badani ay u baahan tahay xoolo badan oo la dhaqdo, taasina ay kor u qaadayso tirada xoolaha dunida ku nool oo dabcan iyaguna dhibaato ku keenaya deegaanka.

Dhibaatada ka dhalan karta xoolaha waxaa ka mid ah in ay sii daayaan, gaar ahaan lo’du neefo dhibaato ku keeni kara dahaadhka neefeed ee dunida ku xeeran. Waxa kale oo ay xoolu dhibaato ku keeni karaan deegaanka oo daaqistoodu xaalufinayso iyo biyaha oo imikaba dunida ku sii yaraanaya. Waxaa intaas dheer hilibka oo la ogaaday in uu dhibaatooyin caafimaad ku keeno qofka. Xeeldheereyaashan oo arrimahaas isu geeyey ayaa ku talinaya in sida cashuurta dheeraadka ah loo saaro sigaarka oo dhibaato ku ah caafimaadka guud, si la mid ahna cashuur dheeraad ah lagu soo rogo dadka hilibka badan cuna, si loogu bixiyo kharashka wax lagaga qabanayo arrimaha deegaanka.

Khubarada oo sharraxaysa sababta ay u dalbadeen in cashuurta laga qaado qofka cunaya hilibka oo aan laga qaadin iibiyaha, ayaa ku doodaya in taasi ay ka hortagayso in iibiyuhu uu cashuurta dheeraadka ah ka jaro uun faa’iidadiisa qiimihii uu ku iibinayeyna aanu waxba ka beddelin, laakiin haddii qof kasta oo hilib cunaya si shakhsi ah cashuur loo saaro, waxa ay qofka ku keenaysaa culays gaar ah oo keeni kara in uu iska daayo ama yareeyo cunista hilibka, taas oo u fiican caafimaadkiisa shakhsiga ah iyo ta deegaankiisaba. Cashuurta la saaro hilibku waxa ay kor u qaadaysaa qiimaha hilibka oo imika ka hooseeya khudradda iyo cuntooyinka kale, sidaa awgeed marka hilibka xoolaha iyo hilibada kale sida kalluunka iyo khudradduba ay la qiime noqdaan hilibka xoolaha waxaa kor u kacaya dadka khudradaha iyo cuntooyinka kale cunaya, oo imika qiimaha jaban ee hilibku wax badan ka leexiso.

In ka badan 180 dal ayaa cashuuro dheeraad ah oo culus saara buuriga iyo sigaarka, dunida badankeedu waxa ay cashuur dheeraad ah saartaa gaadiidka gaar ahaan kuwa raaxada oo weliba si gaar ah cashuurta loogu badiyo kuwa duugga ah, ka hor inta aan looba diidin in ay waddooyinka maraan, arrintaas oo lagaga hortagayo qiiqa sunta ah ee ay sii daayaan oo tiikhowga hawada kor u qaadaya, waxaa iyaguna jira dalal tiradoodu 25 ka badan tahay oo cashuuro dheeraad ah saara sonkorta, si loo dhimo isticmaalkeeda, maadaama oo aanay caafimaadka u fiicnayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here