Xeeldheere Ku Taliyey In Tigidhka Diyaaradda La Jarjaro Marka Laga Maarmo Iyo Sababta Oo Uu Sheegay

0
594

Kuweyt (Geeska)- Raa’id Ruumi oo ah khabiir u dhashay dalka Kuweyt oo ku takhasusay cilmiga ammaanka iyo Dembiyada Elegtarooniga ah ayaa si aad ah uga digay dadka tigidhada diyaaradaha goostaa aanay iska tuurin tigidhkaas marka ay ka maarmaan, isaga oo sheegay in haddii uu qofku sidaa yeelo in ay suurtogeli karto in budhcadda internet ku ka faa’idaysato.

Farriin cod ah oo ay wasaaradda warfaafinta ee dalka Kuweyt  ku faafisay barta ay ku leedahay shabakadda Twitter ka ayaa uu Roomi ku sheegay in tigidhadu ay leeyihiin waxa afka Tiknoolajiyadda lagu yidhaahdo ‘Barcode’ oo ah calaamad xariijimo u eeg oo sida xog uu kambiyuutarku akhriyi karo, inta badanna ay ku jirto xogta qofka musaafirka ahaa ee tigidhka diyaaradda iibsaday.

Ruumi waxa uu sheegay in budhcadda internet ku ay awood u leedahay in la baxaan xogta ku jirta qaybtaas Barcode ka, sida magaca qofka, lambarka talefankiisa, iyo xitaa kaadhkiiska baanka, haddii uu lacagtan ku bixiyey kaadhka sida Master Card.

Haddaba si uu qofku uga feejignaado in xogtiisaa ay helaan budhcadda internet ku oo kadibna ay siyaabo kala duwan u xadaan ama u kharibaan xogtiisa ama dembiyo ay gelayaan u adeegsadaan aqoonsigiisa, waxaa muhiim ah in qofku uu jeex-jeexo tigidhka diyaaradda isla marka uu ka maarmo, sidoo kale waa in aanu qofku meel dayacan ku tuurin warqad kasta oo leh ‘Barcode’ si aan xogtiisa loola bixin.