Xayawaanno Uu Aadamuhu U Adeegsado Colaadaha: Shimbiraha: Isgaadhsiinta Ciidanka Ee Xilliga Dagaalka

0
1114

 

Hargeysa (Geeska)- Maanta isgaadhsiintu waxa ay ka mid tahay meelaha ay dunidu sida aadka ah uga horumartay, waxa aana dhacda in tiknoolajiyad aad u tayo sarraysa ay ciidamada kala duwan gaar ahaan kuwa dalalka awoodda badani u adeegsadaan war-isgaadhsiinta. Laakiin waxaa jirtay mar uu xaalku sidan ka duwanaa, oo duruufuhu qasab ka dhigi jireen in shimbiro laga dhigto dhambaal-sidayaasha ay ciidamadu warka iskugu tebiyaan. Shimbirka Xamaamka loo yaqaanno ayaa ahaa kuwa loogu jecel yahay adeeggooda isgaadhsiineed. Shimbiraha waxaa bilowgii hore aad loo isticmaalay waqtiyada loo yaqaanno casriyadii dhexe oo ah inta u dhexeysay qarnigii Shanaad iyo Shan iyo Tobnaad ee Miilaadiga, waxa se isticmaalkoodu uu soo gaadhay oo si joogto ah loo isticmaali jiray labadii dagaal weyne ee adduunka. Xitaa dagaalkii Labaad ee adduunka waxaaba jiray iskuday ay khubaradi tiknoolajiyadda hubku damceen in ay sameeyaan madaafiic ay hagaan shimbiro xamaam ah oo qalab lagu rakibay. Sidee ay tani u shaqaynaysaa haddii aad is weydiinayso, waa arrin mucjiso ah. waxaa la rabaa in shimbirta xamaamka la fadhiisiyo shaashad weyn oo ah ta laga hagayo gantaalka ama bamka, shimbirtaasi iyada oo halkeeda fadhida ayaa ay awood u yeelan kartaa in ay garato bartilmaameedka, kadibna waxa ay tilmaamaysaa jihada ay tahay in gantaalka ama bamka loo jiheeyo iyo halka ay tahay in aanu dhaafin.

Mashruucan oo muddo la waday, tijaabooyinna lagu sameeyey waxaa faraha laga qaaday Kontomaadkii qarnigii hore markii ay soo baxday tiknoolajiyadda gantaalaha lagu hagaa.

Xamaamku waxa uu xayawaanka kale badankiis dheer yahay awoodda u uu leeyahay garashada gurigiisa, waana sababta keentay in xamaamka inta cagaha loogu xidho dhambaalka kadibna la sii deyn jiray si uu dib ugula noqdo gurigiisii. Arrinta laakiin taas ka sii yaabka badan ayaa ah in xamaamku uu awood u leeyahay in uu duulo masaafad dhan 1300 oo kiiloomitir, oo haddana uu mar kale gurigiisa ku soo carraabo isaga oo saacaddii kasta jara xawaare dhan 80 illaa 120 kilomitir.