Xayawaanno Uu Aadamuhu U Adeegsado Colaadaha: Ey Lidka Taangiyada Ah, Digaag Sunta La Iskaga Tijaabiyo Iyo Daanyeerro Weerarka Gubista Tuulayaasha Loo Adeegsado

1
966

Hargeysa (Geeska)- Dadyowgii ugu horreeyey ee ay taariikhdu diiwaangelisay in ay xayawaanno hub ahaan ugu adeegsadeen xilliyo dagaal waxa ay ahaayeen taafiirtii Song oo dalka Shiinaha ka talinaysay intii u dhexeysay 960-kii illaa 1279-kii. Xayawaankii ugu horreeyey ee ay adeegsadeenna waxa uu ahaa daanyeerro.

Qaabka loo isticmaali jiray waxa uu ahaa in daanyeerka jidhkiisa lagu duubo laguna xidhxidho caws iyo caleen kale oo guban og, dushana baatrool lagaga shubo, kadibna inta dab la qabadsiiyo loo diro tuulayaasha iyo magaalooyinka cadowga, si xawayaankan oo argagaxsan oo xanuunsanayaa uu dabka u gaadhsiiyo cooshadaha iyo dhismayaasha sida sahal ah u gubta ee xilligaas guryuhu u badnaayeen.

Waxaa soo raaca eyda oo iyaguna waqtiyada qaar oo soo gaadhsiisan illaa qarnigii labaatanaad ahaa hub si weyn dagaal uga qayb qaata. Eyda waxaa si gaar ah loogu isticmaali jiray in ay noqdaan hubka lid-taangiyada. Waxaa lagu xidhi jiray bambooyin kadibna waxaa laga horgeyn jiray taangiyada iyo gaadiidka kale ee gaashaaman ee ciidamada cadowgu adeegsanayaan, in kasta oo ugu dambayntii habkan loo aqoonsaday in uu yahay mid aan si guul leh u shaqayn karin. Dagaalkii labaad ee adduunka ayaa ugu badnaa xilliyadii eyda Lidka-Taangiyada ah la isticmaalay. Waxa kale oo eyda loo isticmaalay in ay cabsi geliyaan ciidamada cadowga oo ay inta lagu sii daayo ay dhufaysyada ugu galaan.

Dalalkii dagaalkaas ka qaybgalayey badankooduna waa ay isticmaaleen, iyada oo Midowgii Soofiyatu u kelidii adeegsaday ey ka badan 40 kun oo ey muddo laba sano gudahood ah, illaa sannadkii 1996-kiina ciidamada Ruushku waa ay wadeen tababarka eyda loo adeegsanayo dagaalka. Jabbaan ayaa isna ka mid ahaa dalalka ey u isticmaalay dagaalka, oo dagaalkii labaad ee adduunka waxa ay ciidamadoodu adeegsadeen in ka badan 25 kun oo ey. In kasta oo aanu Maraykanku taariikhda weli Ey ujeedo dagaal oo toos ah u isticmaalin haddana waxaa la xasuusan yahay in xilligii ay ciidamadiisu Ciraaq qabsadeen ay cabsi gelinta maxaabiista la waraysanayo u adeegsan jireen ey mararka qaarkood dhibaato geysta.

– Digaagga ayaa iyaguna ka mid ah xayawaannada xilliga dagaalka la adeegsaday. Xilligii uu socday dagaalkii xulafada Maraykanku ay dalka Kuweyt kaga saaraysay ciidamada Ciraaq, waxaa la adeegsaday 43 digaagadood oo loogu talogalay in la iskaga tijaabiyo gudaha magaalada Kuweyt in ay neefo sun iyo kiimiko ah ku buufiyeen ciidamada Ciraaq si aanay ciidamada xulafadu u gelin. 41 ka mid ah digaaggaas ayaa ku dhintay, taas oo muujisay in ay suni jirto. Hawlgalkii digaaggan lagu gelinayey gudaha magaalada Kuweyt ee caasimadda dalka Kuweyt waxaa afgarasho ahaan ay ciidamadu u yaqaanneen ‘Xerada digaagga’

 

Comments are closed.