Xayawaanno Uu Aadamuhu Ka Dhigtay Hub Uu Cadowgiisa Kula Dagaalamo Ama Si Kale Colaado Uga Qayb Qaatay ‘Jiirka’

0
591

Hargeysa (Geeska)- Waa qisadii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay ee ka warramaysay marar kala duwan oo taariikhda soo maray oo aadamuhu uu xayawaan u adeegsaday ciidan ama hub uu cadow iskaga difaacay ama ku weeraray.

Qarniyadii dhexe ee taariikhda Yurub waxaa aad caan u ahaa habab bahalnimo ah oo ay dhinacyadii kala duwanaa ee dagaalami jiray ula dhaqmi jireen maxaabiista ay dagaalka ku kala qabsadaan. Hababka aadka loo xasuusto ee jiri jirayna waxaa ka mid ahaa in xayawaanka jiirka loo adeegsado ciqaabista cadowga, iyada oo lagu fasaxayo in uu qofka oo nool cuno.

Qaabka ay u dhici jirtay waxa uu ahaa in maxbuuska laba dibble loo xidho, kadibna dhulka la jiifiyo, waxaa la soo qaado baaldi ama weel weyn oo la kululeeyey kadibna jiir aad u tiro badan lagu soo guray. Markaasaa lagu dabooli jiray jidhka qofkii oo dharka laga bixiyey, gaar ahaan inta ku beegan caloosha illaa laabta. Weelka kulaykiisa awgeed waxa uu jiirka ku jiraa raadsan jiray meel uu ka baxsado si uu u badbaado, laakiin dhammaan darebiyada kale waa bir oo waa weelkii sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaan jiray in uu u soo ordo weelka dhinaca uu jidhka qofku kaga daboolan yahay oo marka uu dareemo in uu walax jilicsan yahay uu jiirku isku dayo in uu qaniinyo ku dillaaciyo jidhka si uu qasab jid ugu bannaysto.

Habkan bani’aadamnimada ka baxsan ee xilliga colaadaha la isu ciqaabi jiray waa uu yaraaday intii ka dambaysay qarnigii 15 naad oo ah markii Imbaraadooriyaddii Roomaaniyada galbeed ay burburaysay, laakiin marar dambe oo dib loo isticmaalay ayaa jira, waxa aana aad loo xasuustaa xilligii uu socday dagaalkii Fiyaatnaam oo maxaabiistii laga qabtay Fiyatnaamiyiinta loo adeegsaday.