Xayawaanno Ay Ka Mid Yihiin Maroodiga Afrika iyo Hoonbaradu waxa ay U Wadahadlaan Sida Aadamaha

Published on Aug 01 2018 // Googooska Geeska

London (Geeska)- Cilmibaadhis ay dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in xayawaannada qaarkood aanay sida aamadaha u wada hadal oo keliya, balse sida oo kale ay sida aadamaha hadalka u wadaagto si u eeg sida dadku ay hadalka u qaybsadaan xilliga shirarka iyo doodaha. Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey majalad lagu magacaabo Royal Society Publishing oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in wax iska beddeleen fikirkii hore cilmigu u qabay e eahaa in wada xaajoodka iyo wada hadalku uu u gaar yahay aadamaha, iyada oo ay soo baxayso in ay tahay arrin xayawaanka qaarkiina uu la wadaago.

Cilmibaadhistan waxaa sameeyey xeeldheerayaal ka socday labada jaamacadood ee York iyo Sheffield iyo sida oo kale laba mac-had oo uu midka hore oo ku yaalla Jarmalku ka shaqeeyo daraasaadka bulsho iyo dhaqan ee aadamaha iyo samaysankooda, iyo mac-hadka labaad oo ku yaalla dalka Natherland, kana shaqeeya daraasaadka afafka. Waxa ay dhinacyadani dhammaantood isku waafaqeen natiijada daraasaddooda ka soo baxday oo ah in wadaagista iyo kala sugista hadalka ay tahay dabeecad ay dadka la wadaagaan qaar ka mid ah xayawaannada dunida ku dhaqani.

Xayawaannadaas oo ay daraasaddu qaar ka mid ah xustayna waxaa ka mid ah maroodiga, gaar ahaan noociisa ku dhaqan qaaraddan Afrika oo ay sheegtay in ay ku xidhiidhaan codad kulul oo xidhiidh ah, laakiin qaabka ay codadkaas isugu fahmayaan isagana dhegeysanayaan uu la mid yahay qaabka aadamuhu sheekada u wadaago, waxa iyaguna ka mid ah balanbaalista oo iyaduna ku xidhiidha nooc ilays oo ay bixiso. Waxaa la mid ah shimbiraha iyo nibiriga oo labadaba dhawaqooda uu u dhexeeyo waqti yar oo uu midka kalana dhawaqiisa ku samayn karo.

Dhinaca kalana xayawaanka hoonbarada ee bad ku noosha ah ayaa ay cilmibaadhayaal Ruush ahi sheegeen in uu awood u leeyahay in uu wada hadlo isaga oo ku xidhiidhaya af dhawaq leh oo ay sheegeen in uu horumar aad u xawli ah samaynayo, aadna ugu eegyahay afka aadamaha.

Vyacheslav Ryabov oo ka mid ahaa cilmibaadhayaasha ayaa sheegay in marka laba hoonbaro ay wada hadlayaan in midkood soo daayo hirar jabaq ah, dhawaqa suuldhabaalaha oo kale, ama foodhi inta uu midkaasi dhawaqaas wado ka kale ama kuwa kale waa ay dhegeysanayaan, kaddib marka uu dhammaysto ayaa uu aamusayaa oo mid kalana uu qaab sidii hore oo kale ah uga jawaab celinayaa.

Cilmibaadhistan dambe oo ay faafisay majalad ka faalloota cilmiga Xisaabta iyo Fiisigiska oo ka soo baxda dalka Ruushka ayaa uu xeeldheere Ryabov ku sheegay in wadahadalka dhex maraya labada hoonbaro uu aad ugu eegyahay kan aadamaha. Iyada oo dhawaq ama jabaq kasta oo hoonbaradu bixisaa ay ka duwan tahay tii ay marka hore bixisay, taas oo macnaheedu yahay in sida hadalka aynu hadlaynaa u kala ereyo duwan yahay in dhawaqeeda ay odhanaysaana jabaq kala duwan samaynayo, qayb kasta oo isku jabaq ama dhawaq ahina ay tahay kelmad ama tuduc ka mid ah hadalka hoonborada.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu ogaadeen in hoonbarada meel ku urursan marka uu midkood dhawaaqayo ay inta kale aamusan tahay oo aanu mid keliyi hadlayn illaa midkaasi dhammaysto, taas oo ah ishaaro kale oo muujinaysa in habkani uu yahay hab ay ku xidhiidho, iskuna fahanto. Tijaabadan hoonbarada dhawaqeeda lagu sameeyey waxaa la waday muddo 12 sano ah oo si joogto ah loola socday dhawaqa ama jabaqda hoonbaradu samaynayso iyo sida midka kale uga jawaabayo, waxa aana tijaabada lagu sameeyey lammaane (Dhedig iyo Lab) hoonbaro ah oo berked lagu dabbaasho lagu hayey.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!