Xayawaanka Oo Noqday Sababta Koowaad Ee Dadku U Dhintaan Iyo Tirada Ay Qaarkood Sannadkii Dilaan

0
905

Hargeysa (Geeska)- Qof kasta oo maanta la socda xaaladaha dunida ka taagan ee murannada siyaasiga, kuwa dhaqaalaha, kuwa dhulka iwm ay sababaan dagaallo hubka noocyadiisa la isu adeegsado oo dad tiro badani maalin kasta ku le’daan. Qof kasta oo dhegeysta, daawada ama akhrista warbaahinta kala duwan ee dunida oo cinwaannada ugu muhiimsani ka hadlayaan dad ku dhintay dagaallo, shilal iyo marka la soo koobo sababo dad kale uun keeneen. Haddii la weydiiyo waxa ugu badan ee dadka dunida dilaa waa maxay, shaki kuma jiro in uu dhaqso ugu jawaabayo in aadamuhu is xareeyey oo waxa ugu badan ee uu maanta u dhintaa tahay gacantiisa. Ama bam ku sheeg, kiimiko sheeg ama sababo kale xasuuso. Jawaabtaadu ma qaldana oo aadamuhu isaga ayaa gacantiisa isku xareeyey, laakiin miyaanay arrin yaabkeeda leh ahayn marka aan kuu sheego in dadka u dhinta sabab bani’aadamka uun ka timid nooc kasta oo ay tahay in ay ka badan yihiin dadka u dhinta sababta xayawaanno iyo noole kala duwan oo cunay ama qaniinay?!!

Sahamin  uu wargeyskan Geeska Afrika soo akhriyey oo ay soo saartay hay’ad uu iska leeyahay maalqabeenka weyn ee Bill Gates ayaa shaaca ka qaadday in celcelis ahaan sannad kasta ay dhintaan Afar boqol toddobaatan iyo shan kun (475’000) oo ruux oo u aadame kale dilo ama u dhinta sababtiisa, laakiin marka tiradaas la eego waxaa muuqata in sababta ugu badan ee dunida loo dhintaa aanay ahayn taas, waayo sida uu sheegayo Bill Gates kaneecada ayaa celcelis ahaan sannad kasta disha 725 kun oo ruux, dadkaas oo 600 oo kun oo ka mid ahi ay kaneecada cid kale ka sii qaadeen, halka dad tiradoodu dhan tahay celcelis ahaan 200 oo kun oo ruux sannad kasta naafo u noqdaan sababo la xidhiidha xanuunka duumada (Kaneecada). Warbin loogu magaca daray xayawaannada ugu khatarsan dunida ayaa iyada oo xiganaysa hay’ado ay ka mid yihiin WHO, FAO  waxa ay soo bandhtay tirada dadka ay xawaannadaasi sannad kasta dunida ku dilaan waxaana ka mid ahaa:

Libaax badeedka iyo yeyga: Waxa ay dilaan sannadkii toban ruux. Libaaxa iyo Maroodiga: Waxa ay sannad kasta dilaan boqol qof. Jeerta: Waxa ay sannad kasta dishaa 500 oo qof. Yaxaaska: Kun qof ayuu sannad kasta dilaa. Noocyada gooryaanka caloosha ku dhasha: Waxa uu sannad kasta dilaa 4500 oo qof. Eygu: Sababta qaniinyada eyga waxaa sannad kasta dunida ugu dhinta qiyaas ah 25 kun oo qof. Maska: Qaniinyada maska waxaa sannad kasta u dhinta 50 kun oo ruux.