Xasan Sheekh Oo Loo Dhaariyey Xildhibaannimo Iyo Qoyskiisa Oo Uu Ka Daad Guraynayo Muqdisho

0
678

Muqdisho (Geeska)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan lagaga adkaaday doorashadii Baarlamanku ku kala xulanayey isaga iyo murashaxiintii kale ee xilkan u tartamaysay ayaa shalay loo dhaariyey xubin ka tirsan goalaha shacabka ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in ruux kasta oo madaxweyne ka noqda dalkaasi uu xaq u yeelanayo in uu xubin sharafeed aan dhicin inta uu nool yahay ka noqdo golaha shacabka, xubintaas oo tirada golaha dheeraad ka ahaanaysa ayaa maamuus ahaan loogu ogolaaday madaxweyneyaasha hore ee xilka ka dega iyaga oo dembi uu galay dartii aan xilka looga xayuubin.

Xasan Sheekh ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horreeyey ee ka mid noqda baarlamanka Soomaaliya isaga oo ku fadhiya kursi sharafeed aan awoodaha xildhibaanka buuxa lahayn, laakiin ninkii isaga xilka madaxweynaha uga horreeyey oo ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan maamuuskaas helin, maadaama oo uu isagu xilkaas ku hayey ku meel-gaadh dastuurkana dabadii la ansixiyey.

Xasan Sheekh oo Afar sano iyo bilo madaxweyne ka ahaa Soomaaliya ayaa xilkaas ka degey kadib doorasho uu baarlamanku ku kala saarayey isaga iyo murashaxiin kale, oo wareeggii labaad ay ka soo baxday in murashaxii ay isku soo hadheen oo ahaa Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu aad uga gacan sarreeyo, markaas oo uu Xasan Sheekh tanaasulay.

Dhinaca kalana warar laga helay gegida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya u xaqiijiyey in xubno ka mid ah qoyska madaxweynaha hore ay ka duuleen gegida diyaaradaha iyaga oo u sii jeeda dhinaca dalka Turkiga oo xubno kale oo qoysaskiisa ka mid ahi ku sugan yihiin.

xubnaha dorraad ka safray magaalada Muqdisho ee qoyska Xasan Sheekh ayaa la sheegay in ay u badnaayeen carruur, waxa aanay wararku intaas ku dareen in ay maalmaha soo socdana xubno kale oo ka mid ah labada xaas ee Xasan Sheekh u safri doonaan Turkiga.

In kasta oo guul-darradii doorashada kadib la sheegay in Xasan Sheekh uu muddo saddex bilood ah dalka dibaddiisa u bixi doono nasasho, kadibna uu soo noqon doono, haddana weli waxa uu ku sugan yahay Muqdisho oo shalay xildhibaannimada loogu dhaariyey, waxa aana la filayaa in uu isaguna maalmaha soo socda ka daba ambabixi doono qoysaskiisa oo kala deggen dalalka Turkiga iyo Tanzania.