Xasan Gaafaadhi oo shirka ka sheegay inuu ka tanaasulay murashaxnimadii

0
720

Xasan-GaafaadhiHargeysa(Geeska)-Iyadoo uu shirweynaha KULMIYE socdo ayaa siyaasiga Mr. Xasan Gaafaadhi oo hore u sheegay inuu u tartami dono kursiga guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga oo uu Maxamed Kaahin Axmed ku fadhiyo, uu shirka ka dhex cadeeyay inuu damaciisa uga tanaasulay Maxamed Kaahin.

Mr. Gaafaadhi oo shirka ka hadlay wuxuu sheegay in beeshiisa oo isku duubani ay culays ku saareen inuu u tanaasulo Maxamed Kaahin Axmed oo ay isku beel ka soo jeedaan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in culayska la saaray uu sabab u noqday inuu ka tanaasulo damaciisaas hore.

Shirweynaha KULMIYE ayaa si degen u socda, waxase la dareemi karayaa guuxa iyo hugunka siyaasiga ah ee madasha ka dhex taagan.