Xasan Ciise Oo Xukuumada Uga Digay Inay Jawiga Siyaasiga Ah U Bedesho Cadaawad

1
735

Picture2Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa xukuumada ku dhaliilay in loo tirinaayo in jawiga siyaasiga ah ee dalka ay ka dhigtay mid ay colaadi ku jirto,waxaanu wax aan la aqbali karayn ku tilmaamay in hoggaamiyayaasha mucaaradka loo hanjabo xildhibaanadana la rasaaseeyo.

Waxa uu mujaahid Xasan Ciise Jaamac xukuumada u soo jeediyay in jawiga siyaasiga ah ee dalka laga saaro colaada,si  dalka aanu dhaawac u gaadhin. Waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa’id warbaahinta ay kula hadlayeen xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo uu ka mid yahay,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxan taabanayaa anigu qodab guud oo ah jawiga siyaasiga ah ee dalka ka taagan,jawiga siyaasiga ah ee dalka ka taagan xil gaar ah ayaa ka saaran xukuumadda maanta joogta,in jawiga ay hagaajiso oo jawiga siyaasiga ah uu noqdo mid aanay colaadi ku jirin,waxaad moodaa in xukuumadeena maantu ay mucaaradada u aragto cadow,laakiin mucaaradnimadu cadaw maahee waa qayb ka mid ah siyaasada dimuqraadiga ee ah xalaasha ee umaddi leedahay,waana qayb lama huraan ah,sida qaybta muxaafidku ay lama huraan u tahay.”

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac  oo hadalkiisa sii wataa waa uu yidhi “Haddii ay colaadi soo gasho jawigii siyaasiga ahaa,wadanka amaankiisii,wada lahaanshihiisii meesha waa uu ka baxayaa,wer-wer badan ayaa arintaas ka dhashay mar aan sii fogayn shabakadaha dawlada loo aaneeyo waxa soo galaayey aflagaadooyin iyo hanjabaado,hanjabaadii shabakadii way ka soo gudbeen oo suuqay soo gaadheen ,jaraa’idada waxa ku yaala in Faysal Cali uu sheegay in heerka ugu sareeya ee xukuumada looga soo hanjabay,waa hogaamiye mucaarad ah oo xalaal ah oo dimuqraadi ah oo dastuuri ah,sida muxaafidka,madaxweynaha,golaha wasiiradu ay dastuuri u yihiin,ayuu hoggaamiyaha mucaaradka ahina sharci u yahay.Xildhibaan Qabiile waxa jaraa’idku  qorayeen in afkii ay dhaaftay oo la rasaaseeyay,waxa lagu rasaaseeyayna uu yahay wax uu baarlamaanka ka yidhi ama warbaahinta,markaas siyaasadii dalku markay ka gudubto wax isku sheega ee ay u gudubto amaan daro,hanjabaad iyo xabad ee waliba dhinicii muxaafidka loo nisbaynaayo,waa ayaan daro,waa mid aan la aqbali karayn, oo aan la qaadan karyan,waa mid aan dalka dhaqayn,waa mid bar-madaw ka galaysa taariikhda Somaliland oo aan hore u jiri jirin,waxanan ku talinaynaa in dawladu meesha ka saarto,si midnimadii dadka aanu dhaawac intaas ka badan u gaadhin.”

Comments are closed.