Xarunta Xuquuqal Insaanka Iyo UCID Oo Cambaareeyay Xayiraada Wargeyska Haatuf

0
641

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid iyo xarunta xukuuqul iinsanka ee Somaliland, ayaa canbaareeyay xayiraada la saaray wargeyska Haatuf, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in dib uga laabatato talaabada ay qaaday oo ay sheegeen inay u arkayaan mid cabudhin iyo cago juglayn ah.

Xarunta xuquuqul insaanka ( H R C ) ayaa adeegsiga ciiddamada iyo xidhitaanka xarumaha warbaahinta dalka ku tilmaamay kuwo walwal ku haya xoryitul qowlka iyo madaxbanaanida warbaahinta, waxaanay xukuumadda u soo jeediyeen talooyin.

Ugu horayntii warsaxaafadeedka uu soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee Ucid oo uu ku saxeexnaa xoghayaha warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdilaahi waxa uu u dhignaa sidan“Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu Si,aan La Soo Koobi Karin U Canbaareynayaa Falkaa Badheedhka,Awood Sheegashada,Sharci-Jabinta iyo Indho la’aanta Ah isla Markaana Markhaatiga U ah In Aan Xukuumada Maanta Talada Dalka Haysaa Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Midna Aaney Ixtiraameyn Iyada Oo Waliba Adeeg Saneysa Ciidamadii Loogu Tala galey In Cadawga Iyo Argagixisada Ay Ka Hortagaan.

Xisbiga Ucid Wuxuu Aamin Sanyahey Falkaa Lagula Wareegay Xarunta Wargeyska Haatuf In Uu Ka Dhashey Hantida Qaranka Ee La Musuq Maasuqey Ee Uu Wargeysku Si Muwaadinimo Ah Tooshka Ugu Ifiyey Iyo Dhaliilaha Wax Lagu Toosinayo Ee Mucaaradka Oo Uu Si Fiican U Qorayey,Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Baal Marsan Dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland Oo Imika Xukuumada Talada Haysaa Caadeysatey.

Sida Sharcigu Sheegayana Waxaa Xukuumada Looga Baahnaa Hadii Ay Dacwad U Qabto Wargeyska, In Wargeyska Haatuf Oo Shaqeynaya Maxkamada Looga Yeedho Isla Markaana Sidaa Dacwadoodu Ku Socoto ilaa Inta Danbi Kaga Hor Cadaanayo Maxkamad Sharciya Sidaa Daraadeed Waan In Xukuumadu Si Deg Deg Ah Ciidamada  Uga Dulqaadaa Xarunta Wargeyska Haatuf Ee Sifaha Xaaraanta Ah Lagula Wareegay,Loona Soo Celiyaa Madax-Banaanidiisii Shaqo, Sida Ugu Dhakhsaha Badan Leh.

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Uga Digayaa Xukuumada Talada Haysaa Ku Xad Gudubka Dhamaan Xoriyatul-Qawlka Iyo Ku Tumashada Xuquuqda Saxaafada Ee Soo Noq Noqtey, Tusaale Ahaan Waxaa Ilaa Maanta Sifo Lagu Haysto Aynaan Garaneyn Wargeyskii Hubaal,Sidoo Kale Waxay Xukuumadu Xidh Xidhey  Wariyayaal Gaadhaya Boqol in Ka Badan Sadexdaa Sano Ee Ay Talada Dalka Haysey,Taas Oo Uu Xisbigu HAATAN Uu Arko Waxaan Loo Dul Qaadan Karin.”

 Sida oo kale war saxaafadeedka ay soo saareen xarunta xuquuqul insaanka  (HRC) oo uu ku saxeexnaa afhayeenkoodu Mulaaxo Maxamed Cali waxa uu u dhignaa sidan  “Xadhiga wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxay ku tahay xadgudub xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga. Maanta, 7da April 2014 abaaro afartii galabnimo waxay Booliiska Somaliland oo wata amar maxkamadeed ay xidheen xarunta wargeyska madaxabanaan ee Haatuf. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xidhidaas oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee uu damaanad qaaday dastuurka Somaliland. Ma jirto wax dacwad ah oo hore loo ogaysiiyay Haatuf si uu  ugu helo fursad uu isku  difaaco.

 13 December 2013 ayaa sidan oo kale Booliisku albaabada u laabeen wargeyska Hubaal oo ilaa hadda xidhan isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.Xadhiga wargeysyada ku taagan dawladdu waa dhibaato xuquuqal insaan oo leh welwelkeeda. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay dimoqraadiyadda. Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Qodobka 28 wuxuu waajibinayaa in dhinacyadu fursad siman u helaan garsoorka hortiisa.

Garsoorku waa inuu noqdaa mid ka madaxbanaan waaxda fulinta. Xaruntu waxay aad uga  welwelsan tahay ficilada iska daba imanaya ee lagu aamusiinayo saxaafadda ee garsoorku soo saarayo. Wargeyska Haatuf wuxuu maalmahan wax ka qorayey arimo la xidhiidha sahaminta shidaalka iyo sida loo maamulo. Xadhiga wargeysyada Haatuf iyo Hubaal waxay ku tahay xadgudub xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga.    

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland:

1. Inay xadhiga ka qaado wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo ay ogolaato inay hawshooda wataan.2. Inay joojiso ficil kasta oo waxyeelo ku ah madaxbanaanida saxaafadda.3.In garsoorku noqdo meel loo siman yahay oo dhegaysta dhinacyada intaanay soo saarin go’aankeeda.”