Xarunta Ganacsi Ee Kaah Oo Uu Shalay Dab Qabsaday

0
448

Hargeysa(Geeska)-Khasaare maal ah ayaa soo gaadhay xarunta ganacsi ee Kaah ee bariga magaalada Hargeysa, ka dikaahb markii uu shalay gabal dhicii dab xoog badani qabsaday, dabkaas oo ka dhashay booyad shidaal ku jiray oo xarunta ku sugnayd.

Dabka ayaa gaystay khasaare mood ah, laakiin ma jiro wax dhimasho ah oo uu sababay, marka laga reebo dhaawacyo fudud oo gaadhay qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa. Sidoo kale baabuurta xarunta taalay ayaa iyaguna shuf beelay.  Waxaana daminta xaruntaas ganacsi ka qayb galay dadweynaha iyo baabuurka damdamiska ee dawladda hoose ee Hargeysa.  Booyado ay dad shacab ahi leeyihiin oo biyo siday ayaa si weyn uga qayb qaatay daminta dabkaas.

Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka qayb galay damintii dabkaas, ayaa tacsi u diray mulkiilaha Kaah oo uu dabku khasaare hantiyeed u gaystay, waxaanu shacabka reer Hargeysa ugu bushaareeyay inay caasimadda soo gaadheen tiradii u horaysay ee ah damdamisyo loo sii iibiyay dawladda hoose, kuwaas oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo bixiyay qaybta ugu badan ee dhaqaalaha lagu soo iibiyay, “Waxaan marka hore tacsi u dirayaa maamulka xarunta ganacsi ee Kaah oo uu khasaare badani soo gaadhay, waxaanan Alle uga baryayaa inuu bedel khayr qaba siiyo.” Ayuu yidhi maayarku, waxaanu isagoo la hadlaya reer Hargeysa uu yidhi, “Shacabka waxaan ugu bushaaraynayaa in damdamisyadii aanu soo iibinay oo ay iska kaashadeen dawladda hoose iyo Madaxweynaha Somaliland ay yimaadeen, qalabkii ayaa lagu rakibayaa, soddonkii wiil ee ka shaqayn lahaa imtixaankii waanu ka qaadnay, waxaanay galayaan tababarkii.”

Maayarku, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo uga mahadnaqay sida uu uga qayb qaatay soo iibinta damdamisyadaas, “Madaxweynaha waxaan uga mahadnaqayaa kharashka balaadhan ee uu ku bixiyay soo iibinta baabuurtan damdamiska ah oo uu qaybta u badan bixiyay, waxaanu sidoo kale bixiyay dhulkii xerada looga dhigi lahaa.”