Xarunta BBC Ee London Oo Laga Qaxay Kaddib Markii La Sheegay Digniin Argagaxiso

49
3534

London (Geeska)- Ciidamada miisasaarka dalka Ingiriiska ayaa duhurnimadii maalintii isniinta ee toddobaadkan, iyaga oo adeegsanaya aadame-la-mood (Robot) waxa ay qarxiyeen miino ama walax kale oo qarxaysa, oo ku rakibnayd baabuur laga shakisnaa oo la dhigay bannaanka hore xarunta idaacadda BBC-da.

Shaqaalaha BBC oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eyda booliiska ah la keenay goobta shilkani ka dhacay, si ay u xaqiijiyo halka ay taallo walaxda qarxaysa, Ruth Clegg, oo ka mid ah soo saarayaasha wararka ee BBC ayaa tidhi, “Booliisku imika ayaa ay laba qarax sameeyeen, iyaga oo adeegsanaya qalabka qarxinta ee meesha durugsan laga maamulo”

Shaqaalaha BBC ee dhismaha xarunta ah ku sugnaa ayaa dhaqso dibadda loogu daadgureeyey, xadhigga booliiska ee goobaha dembigu ka dhacana waa lagu xeeray. “Markaas ayaa aan soo galayey xarunta si aan barnaamijkayga idaacadda u si idaayo, booliiska ayaa goobtiiba xadhig ku wareejiyey, oo waa aan geli kari waayey gudaha dhismaha” sidaa waxaa yidhi Nick Grimshaw oo barnaamij ka sii daaya idaacadda koowaad oo ah farac ka mid ah idaacadda BBC da.

Waxa kale oo la xidhay dhammaan jidadka kale ee soo gala xarunta BBC ee Broadcasting House loo yaqaanno. Waxa kale oo uu booliiska dadka xaafadda deggen ka codsaday in aanay daaqadaha guryahooda u dhowaan inta ay dhammaanayso qarxinta walaxdan qarxaysay oo gaadhiga xaggiisa dambe ku jirtay. Waxa ay wararku sheegayaan in la maqlay dayaanka saddex qarax, iyo booliiska furfuridda waxyaabaha qarxa, oo xidhan qalabkooda gaarka ah kuna hawlan furfuridda walxahan.

Tan iyo bishii lixaad ee sannadkan waa markii labaad ee barxadda hore ee dhismaha idaacadda BBC laga helo gaadhi ay saaranyihiin walxo qarxaya. Waxaa kale oo isla bishaana dhacday in kadimada xarunta idaacadda qufullo waaweyn lagu xidhay, si looga hortago in uu gudaha galo nin baatrool isku shubay oo ku hanjabayey in uu isdilayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here