Xarkaad Jidhku Sameeyo Isaga Oo Aan Qofku Ku Talax Tegin Ayaa Muujin Kara Waxa Niyaddiisa Ka Dhex Guuxaya

0
515

London (Geeska)- Jidhka bani’aadamku xarakaadka iyo ishaarooyinka uu sameeyaa waxa ay bixiyaan macne iyo faham uu qofka kale qaato oo mararka qaarkood laga yaabo in qofku aanu ku talogelin in fahamkaas laga qaato. Jidhku waxa uu leeyahay luuqad u gaar ah oo ah cilmi sidiisa u madax bannaan oo si gaar ah loo daraaseeyo, xeeldheerayaasha cilmiganina waxa ay isku waafaqsan yihiin dhowr qalad oo aynu samayno oo laga yaabo in cidda innagu xeeran ama aynu la macaamilayno ay u muujiyaan waxyaabo aynu qarsanaynay. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afka hooyo u rogay ayaa ay shabakadda Al-Carabiya ku eegaysaa qaar ka mid ah qaladaadka ay khubaradu sheegeen.

1. Faro tag-taagga badan:

Faraha oo aad aad u lusho ama u tag-taagto marka aad qof u warramaysaa waxa ay bixin kartaa faham ah in arrinta aad ka hadlayso aanad xaqiiqadeeda oo dhan haynin. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in faraha oo illaa baabacooyinka oo aad hadba dhan u fiiqdo iyo guud ahaan madax lulista iyo xarakaad madaxa iyo gacmuhu ay noqdaan kuwo aan aad u badnayn oo khafiif ah oo aan dhuf-dhufasho ka muuqan. Waxa se’ ay hoosta ka xariiqeen in xarakaadka loo yaqaanno ishaarada furan, oo tusaale ahaan ay ka mid yihiin in qofku labada gacmood (Cududaha) dhinacyada ka durkiya, ama in labada baabaco ee gacmaha uu muujiyaa.

2. Gacmaha oo la duubto:

Marka aad qof ama dad la hadlayso wax yaabaha qaladka ah waxaa ka mid ah in aad gacmaha laabto (Mutarabac). Xeeldheerayaashu waxa ay aaminsan yihiin gacmaha oo la’ laabtaa ay tahay ishaaro lagaa qaadan karo in aad tahay ruux aan furfurnayn ama ugu yaraan aanad u laab furnayn waxa laguu sheegayo ama qofku arrinka uu kaala hadlayo aanad soo dhoweynayn.

3. Ishaarada iyo muuqaalka wejigaaga oo khilaafa kelmadaha aad leedahay:

Waxa ay qofka kula hadlaya ku abuurtaa shucuur ah in ay jiraan wax qaldani, waxa aanay ku abuurtaa shaki xitaa noqon kara in qofku u maleeyo in aad khiyaamaynayso. Xitaa haddii aanu qofkani marka hore ka shakisnayn in aad khiyaamaynayso ama aanu garanay haba yaraato ee sabab aad u khiyaamayso ama sida aad u khiyaamayn karto, haddana waa uu qaadanayaa fahamkaas qaldan ee ah in aad khiyaamaynayso.

4. In aad qofka ka durugto ama aad iska dadabto marka uu kula hadlayo.

Waa astaan muujinaysa in aanad xiise iyo darar u qabin hasha lagaala hadlayo ama socota, iyo in aanad danaynayn arrinkaas, iyo in aanad ku niyadsamayn ama raalli ku ahayn. Waxa kale oo ay qofka ku arkaya siin kartaa dareen ah in aanad ku kalsoonayn qofka aad la hadlayso.

5. dib u fadhiisi ama in aad si kala daadsan kursiga u fadhiisato:

Waa calaamad muujinaysa in aanad ixtiraam u haynin cidda aad la hadlayso, waxa kale oo ay calaamad u tahay in aad daalan tahay, ama aanad doonayn in aad ku sii negaato halka aad markaa joogto.

6. Indhaha oo aad siin weydo cidda aad la hadlayso:

Waa calaamad cidda aad la hadlayso siinaysa faham ah in ay jiraan wax aad qarinaysaa, waxa aanay abuuraysaa shaki.

7.  Indhaha oo aad qofka ku gubto:

In aad indhaha siin weydo cidda aad la hadlaysaa waa dhibaato, laakiin waxaa iyaduna dhibaato ah in aad indhaha si kulul ugu eegto, waayo waxa ay qofka siinaysaa faham cadaawad, iyo in aad doonayso in aad doonayso ku amar-ku-taaglayn.

8. In aad saacadda eegto adiga oo cid la fadhiya:

Waa calaamad si cad u muujinaysa ixtiraam darro, sabir yaraan iyo isla weyni aan munaasab ahayn.

9. Isku mashquulid iyo timaha oo hadba la hagaajisto:

In qofku hadba dhan iska eego, hadba meel jidhkiisa ka mid ah sida dhegaha, gadhka iyo dhabanka istaabto, ama uu timihiisa ku mashquulaa waa calaamad muujinaysa khajilaad iyo maahsanaan maskaxda ah, waxa aanay dadka siinaysaa dareen ah in aad tahay ruux ku talax taga muuqaalkiisa oo uu siiyo muhiimad ka weyn inta ay tahay in uu siiyo ka fikirka iyo ka hadalka masiirkiisa, shaqadiisa ama arrinka lagala xaajoonayo.

10. Gacan qaad daciif ah:

Waa astaan muujinaysa xilkasnimo la’aan, ama masuuliyad iyo kalsooni darro. Waxa ay cidda sidan loo salaamo ku abuuraysaa shucuur ah in qofkani uu yahay ruux aan waxba dan ka gelin oo maskaxdiisu mar kasta maqan tahay.