Xarbi Oo Ka Sheekeeyay Taariikhda Ay Madaxweyne Siilaanyo Isla Soo Mareen

0
573

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee haayada shaqaalaha dawlada Maxamuud Cabdillaahi Xarbi, ayaa ka sheekeeyay taariikhtii ay isla soo qaateen madaxweynaha hada Axmed Maxamed Siilaanyo iyo qaabkii loo aasaasay xisbiga Kulmiye. Madaxweynaha ayaa dhawaan xilkii ka qaaday guddoomiye-xigeenka hay’adda shaqaalaha.

Mr. Xarbi waxa uu cadeeyay in madaxweyna Siilaanyo uu waxbadan ka bartay isla markaasna uu wali la sii joogidoono, waxaanu arimahan kaga hadlay xafladii uu xilka ku wareejinaayay masuulka cusub ee haayadaas loo soo magacaabay Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali Geele.

Waxaana isaga oo halkaas ka hadlaayay uu yidhi "Waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud oo hawlahayagu bisha sadexaad ayuunbay dhacaane, bishii saddexaad sanadkii 2002 anaga oo gudi ah oo aasaasayna xisbiga Kulmiye aanu aqalkiisa ku kulanay, waxa uu xisbigu maraayay sadex jaranjaro, marka hore urur siyaasadeed oo kumeelgaadh ah inaad noqoto, marka labaad urur siyaasadeed oo sharciyaysan inaad noqoto, marka danbena aad doorashada ka qaybgasho oo aad xisbi qaran noqoto, sadexdaas shahaado ayaa xifiiskayga sudhnaa oo aan kala shaqeeyay madaxweynaa, 16 Jun ayay ahayd markii aanu gargaar ka furnay ee aan halkaas kursigii ugu horeeyay u dhignay ee aan diiwaangalintii qofkii koowaad magaciisa ku qoray, alle hawnaxariisto aasaasayaashii rag badan oo ahaa qaar dhintay iyo kuwo ka wareegayba waa ay leeyihiin, taariikhadana ninwaliba xiliga uu yimi waa la hayaa."

Mr. Xarbi oo hadakiisa siiwataa waxa uu yidhi"madaxweynuu waxa uu ahaa saaxiibkaygii koowaad ee markii Udub naga badisay kaligay laygaga agtagay ee markii uu jabay aanu anaga iyo marwadiisa oo kaliyaati la joognay ee aan tacliinta iyo sabirka ka bartay, aan hogaaminta iyo maamulkaba ka bartay ilaa saacadan la joogana uu saaxiibkay yahay, waxaan madaxweynaa uga mahadnaqayaa aqoontaas badan ee aan ka bartay ka sokow xilalka uu iimagacaabay marka aan guulaysanay, madaxtooyada aniga ayaa u sareeyay maamulkeeda intii aan wasiirka loo samayn,markii wasiirka la sameeyayna aniga ayaa noqday agaasimihii maamulka, markii danbena waxa uu ii magacaabay guddoomiye ku xigeenkii haayada shaqaalaha, imikana iigartay inuu inasiyo, meelkale oo aan tagayaa ma jirtee isaga uunbaan la joogayaa. badalkan igu dhacay nin ka xun ma ihi, Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali Geelena waan ku soo dhawaynayaa haayada shaqaalaha."