Xamartu Waxa Ay Ka Hortagtaa Gabowga, Caabuqa Dhuunta Iyo Kansarka, Waxa Aanay Nadiifisaa Dhiigga

0
866

Hargeysa (Geeska)- Bogga Internetka ee Fitness oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa qoray qaar ka mid ah faa’idooyinka ay xamartu u leedahay caafimaadka. Boggan laga leeyahay dalka Maraykanka oo qormadiisan uu soo turjumay Geeska Afrika u waxa uu sheegay in Xamarta ay ku jiraan Faytamiinno aasaasi ah oo aad u tiro badan, sida Faytamiinka C, sidoo kalana ay ku jiraan maaddooyin si dabiici ah jidhka u xuub siiba dibna u cusboonaysiiya, sidoo kale waxaa ku jira macdanno kala duwan oo ay ka mid yihiin Magnesium iyo Potassium. Qaar ka mid ah faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee warbixintu sheegtay in laga helo xamartuna waa:

1. Ka hortagga gabowga: Asiidhada, Faytamiinno iyo maaddooyin kala duwan oo xamartu hodan ku tahay waxa ay la dagaallamaan gabowga iyo calaamadihiisa, .

2. Ka hortagga xumadda: Xamartu waxa ay si dabiici ah u dejisaaheerkulka, si ay uga hortagto in ay ka dhalato xummad

3. Caabuqa dhuunta: Xamartu waxa ay dawaysaa caabuqa mararka qaarkood ku dhaca hunguriga, gaar ahaan marka timirta lagu dhex milo biyo ama dareere kale oo kasta, waxa ay nadiifisaa isla markaana ay dhaydaa goobta uu caabuqu ku dhashay.

4. Xilliga soonka iyo timirta: Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in sharaab xamar ah oo la cabbo xilliyada cuntada dhexdoodu uu dhiigga ka nadiifiyo sunta oo inta badan kaga timaaddo meelo kala duwan.

5. Kansarka: Ugu dambayntii khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in Xamartu ay ka hortagto oo joojiso Kansarka, isla markaana kordhiso tayada hab-dhiska difaaca jidhka.