Xalay Iyo Tartankii Kooxaha Horyaalka Qaarada Yurub Iyo Kooxda Barcelona Oo U Gudubtay Wareega Laabaad

0
980

 

Xalay waxa la ciyaaray horyaalka qaarada yurub, waxana qabsomay ciyaaro aad u xiiso badan. Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa la soo huleeay barbaro halka kooxda Barceloan ay booskeeda wareega labaad cadeysatay kadib markii ay ka badisay kooxda yar ee Viktoria Plzen. Ciyaaryahanka Lionel Messi ayaa dhaliyey sadex kamid ah goolasha kooxda Barcelona. Halka goolka afraad u dhaliyey ciyaaryahanka Cesk Fabregas.

Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa ku guuldareystay inay gurigeeda kaga badiso kooxda Faransiiska ah ee Marsille. Kooxda Ac Milan ayaa iyadna barbar dhac gool iyo gool ah ku dhaafi weyday kooxda yar ee Bate. Chelsea ayaa khasaarisay fursad u sahli lahayd inay u gudubto wareega labaad ee tartanka horyaalka yurub.

Waxna Chelsea bar bar dhac gool iyo gool ah ku dhaafiweyday kooxda Genk. Goolka kooxda Chelsea waxa u dhaliyey ciyaaryahanka dhexda ka ciyaara ee Ramires. Waxana xusid mudan in ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara ee David Luiz uu kooxda Chelsea ka khasaariyey rikoodhe kaas oo uu ka qabtay goolhayaha kooxda Genk.

Valencia ayaa garaacday kooxda Bayer Leverkuson waxana ay kaga adkaatey sadex gool iyo hal. Guushan ay Valencia gaadhey waxay u sahleysaa inay rajo ka qabto inay u soo gudubto wareega labaad ee tartanka. Isku soo wada xooriyoo ciyaarihii xalay la ciyaaray ayaa badidoodu ku dhamadey natiijo barbar dhac ah.