Xaggee Ay Tagaan Madaxweyneyaashu Marka Xukunka Laga Tuuro? C. Yuusuf, Mingiste, Bin Cali Iyo Mugabe

Published on Nov 25 2017 // Googooska Geeska


Hargeysa (Geeska)- In kasta oo marar badan uu ku celceliyey in aanu xilka ka degeyn illaa Ilaahay sidaa faro, haddana ugu dambayntii madaxweynihii 93 jirka ahaa ee dalka Simbabwe 37 ka sano haystay waxa uu ku qasbanaaday in uu xilka iska casilo si uu dalka uga dhaco isbeddel madaxweyne oo xisbigiisa uun talada ku sii haya.
Waxaa shaki la’aan ah in Robert Mugabe isla saacaddii uu xilka ka degey in uu bilaabay ka fikirista halka uu degi doono, waa haddii aanu horeba u sii diyaarsan e’. ma guri Fillo ah oo uu si fiican ugu qorraxsan karo ayaa uu heli ninkii 72 saac ka hor ahaan jiray ninka ugu awoodda badan dalka Simbabwe. Maxay se’ inta badan ku dambeeyaan madaxda dunida ee xukunka xoog looga riixaa. Qormadan uu Geeska Afrika afka hooyo u rogay ayaa ay laanta afka Carabiga ee BBC du ku eegaysaa halka ay ku dambeeyeen madax kala duwan oo xaaladdan Mugaabi oo kale ku dhacday.
Meelaha ay u firxadaan
Caadi ahaan marka hoggaamiye xilka laga tuuro, haddii aan xabsiga la dhigin waxa uu markaba nafta kula ordaa dalka dibaddiisa, ama marar badan dibadda qasab loogu saaraa iyada oo la diiddan yahay xasilooni darro siyaasi ah ama dagaallo sokeeye in ay dalka ka dhacaan.
Faransiiska oo ka mid ah gumaystayaashii soo maray qaaradda Afrika ayaa la aam9nsan yahay in ay tahay meelaha ay madaxweynayaasha xilka laga tuuray ugu jecel yihiin in ay degaan haddii fursaddaas la siiyo. Waxaa imikaba dalka Faransiiska jooga laba madaxweyne oo hore u soo maray dalka Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika, waxaa kale oo magangelyo siyaasi ah ku jooga qoyska madaxweynihii labaad ee dalka Ruwanda soo xukuma oo magaciisu ahaa Juvénal Habyarimana.
Madaxweynihii hore ee Jarmaka Bari, Ric Honecker ayaa ayaa isna markii xaalku ku adkaaday ee dhinaca kalana labada Jarmal midoobeen, deyrkii Berlin na la dumiyey waxa uu u baxsaday magaalada Moosko ee dalka Maraykanka, kadib waxa uu mar dambe u wareegay dalka Chili .
Sannadkii 1985 kii ayaa madaxweynihii hore ee xilligaas hoggaaminaysay Filibiin Fernando Macros uu xilka dalkiisa ka degey kadib markii uu cadaadis badan sidaas ku saaray madaxweynihii ay xulafada ahaayeen ee Maraykanka Ronald Reagan. Marcos waxa uu u baxsaday gobalka Ohio ee dalka Maraykanka.
Sucuudiga ayaa ka mid ah meelaha ay ugu jecel yihiin madaxda hore ee xilka laga tuuraa, gaar ahaan kuwa aan saaxiibbada badan ku lahayn dunida kale, hoggaamiyihii dalka Ugaanda Iiddu Amiin ayaa markii xukunka laga qaaday u cararay dalka Sucuudiga oo uu joogay illaa uu dhintay sannadkii 2003, Siddeed sano kadibna waxaa firxad ku tegey madaxweynihii shacabku kacdoonka ku tuureen ee dalka Tuuniisiya Saynulcaabidiin Bin Cali.
Madaxweynihii dawladdii kumeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo xilka hayey intii u dhexeysay Oktoobar 2004 illaa Diisambar 2008 ayaa isna dalka Yemen magangelyo ku tegey bishii koowaad ee 2008 oo ahayd hal maalin kadib iscasilaaddii uu ku sababeeyey in uu waxba ka qaban kari waayey nabadaynta iyo dhismaha qaranka sidaa awgeed fursadda bannaynayo, laakiin dad badani aaminsan yihiin in beesha caalamku cadaadis ku saartay si loo suurtogeliyo nabadayntii dawladda ku meel-gaadhka ahayd iyo ururkii maxaakiinta, taas oo jidka u xaadhay in uu madaxweyne noqdo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dalalka ay madaxdani magangelyada ku tagaan dhibaato ma ku hayaan
Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan suurtogalnimada in madaxdan baxsiga ahi ay culays ku keenaan dalalka ay martida u noqdaan? Jawaabta ugu habboonina waa in ay mararka qaar dhibaato ku keenaan. Sababta aanay inta badan madaxdani dhibaatada u keenin ayaa ah iyaga oo ka taxaddara in iyaga oo marti ah ay ku kacaan wax dhaqdhaqaaq siyaasiya ah, sidaa awgeed aanu dalka ay ka soo baxsadeen dhibaato u arkayn.
Marar badanna waxaa dhacdaba in magangelyo siinta madaxweynaha baxsaday ay sababto in uu wanaagsanaado xidhiidhka dalka uu u baxsaday iyo dalka uu ka soo baxsaday, waxaa ka mid ah xaaladda dalka Tuunis oo uu Sucuudigu sheegay in duruufaha siyaasiga ah iyo xiisadaha dalkaa ka jiraa si ay u degaan awgeed ay magangelyada siiyeen madaxweynaha baxsaday si aanu dhaqdhaqaaq dambe oo siyaasi ah dalkii ugu yeelan.
Mugaabi
Roobert Mugaabi oo 37 sano kadib xilka ka degey 21kii bishan Noofambar waxaa laga yaabaa in ay dawlado badan oo Afrikaan ahi si farxad leh u soo dhoweeyaan in uu dalkooda magangelyo ku yimaadd, maadaama oo Afrika looga aqoonsan yahay halyeey gumaystaha reer galbeed neceb, laakiin caqabadda ugu weyn ayaa ah xaaskiisa Grace Mugabe oo ah 52 jir leh himilo siyaasi ah oo aad u weyn, lagana yaabo in ay farogelinta siyaasadda dalka Simbabwe ku sii jirto. Arrintaas ayaa laga yaabaa in ay dalal badan ku abuurto cabsi ah in haddii ay Mugaabe magangelyo siiyaan ay xaaskiisu sabab u noqon karto in uu xumaado xidhiidhka ay la’ leeyihiin dalka Simbabwe.
Qoyska Mugaabe waxa ay guryo ku leeyihiin dalalka Maleesiya iyo Koonfur Afrika, dadka qaarna waxa ay ku daraan magaalada Dubaay ee Imaaraadka Carabta, waa suurtogal in uu dalalkaas midkood tago, dadka qaarna waxa ay malaynayaan in uu tegi doono dalka Singabuur oo loo malaynayo in uu saaxiibtinimo shakhsi ah oo fiican la leeyahay.
Waxa aan xisaabta laga saari karin dalalka Toogo, Gini iyo Marooko oo dhammaantood madax hore martigeliyey.
Waxaa iyaduna xusid mudan in dalka Simbabwe laftiisu uu hore u martigeliyey kelitaliyihii xilka laga tuuray ee dalka Itoobiya Mingiste Xayla Maryam oo tan iyo markii xilka laga tuuray sagaashamaadkii qarnigii tegey nolol ladnaan iyo barwaaqo ah ku noolaa dalka Simbabwe.
In kasta oo la aaminsan yahay Kelitaliye Mingiste intii uu xilka dalka Itoobiya hayey oo ahayd 1977 illaa 1991 uu qaladaad tiro badan galay, haddana waxa uu ku guulaystay in uu ka faa’idaysto saaxiibtinimo adag oo ka dhexeysay madaxweyne Mugaabe, kuna helay magangelyo iyo nolol aad u fiican.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!