Xagee Ayuu Ku Dambeeyay Gudigii Tacliinta Sare Ee Madaxweynuhu Magacaabay?

0
596

MAQBishii  August 2010 dhamaystirkii golaha wasiirada ka dib Madaxweynaha JSL md Axmed Siilaanyo wuxuu magacaabay gudiyo (Commissions) cusub oo hor leh oo aan wax faa’iido ah u lahayn  qaranka balse kaliya culays ku haya miisaniyada kooban ee dalka hase ahaatee bulshadu waxay u riyaaqday ama loo bogay magacaabistii Gudida Tacliinta Sare oo dalku baahi wayn u qabay in la helo hay’ad si gaar ah ugu xilsaaran ilaalinta tayada Tacliinta Sare si aanay jaamacadaha Somaliland uga hoos marin heerka jaamacadaha dalalka dunida saddexaad.

Muwaadin bal dhugo sheekadan gaaban: Gudoomiyihii hore ee jaamacada Hargeysa md Cabdi Haybe Cilmi wuxuu ka codsaday jaamacada Jomao Kenyatta inay ka damiinato aqoonsiga shahaadada jaamacada Hargeysa  (acridition).

 si ay isaga hubiyaan in la damaanad qaadi karo waxay soo direen wafti ka kooban shan professor, 3 bilood oo ay Hargeysa joogeen iyo baadhitaan qoto dheer ka dib war bixin hor dhaca ah waxay ku sheegeen in jaamacadu 60% keliya buuxisay oo ay ka hoosayso heerkii laga rabay. qiimayntaa waxa inooga baxay oo aanu shaki ku jirin in jaamacadaha gaarka ahina ka heer hooseeyaan kuwa ay dowladu taageerto.

Hadaba markii la ogaaday xil gudosho la’aanta ama tamardarida Gudida Tacliinta Sare Jaamacadaha qarkood waxay ku dhawaadeen inay noqdaan sidii meherado lagu ganacsado oo kale sidaa daraadeed iyagoo ku tartamaya ardayda dugsiyada sare ka soo baxa iyo inay tirada ugu badan ka helaan waxay fududeeyeen shuruudaha ardaygu ku geli karo kuliyadaha kala duwan (admission), waxa la og yahay inay aqbalanaa shahaadooyin foojari ah ama indhaha laga qarsado iyaga oo garanaya, ma dafiri karno, mana is diidsiin karno inay jamacadaha galan arday aan dhamaysan dugsiga sare.

Ardayda kala mustawaha ah ee is dhex fadhida waxay dhibaato kala kulma macalimiinta waxa kale oo ay dulmi ku tahay kuwa soo dhamaystay waxbarashada dugsiga sare ee loo soo diyaariyay Waxbarashada Tacliinta Sare.

Dhinaca kale Madaxda iyo Maamulada Jaamacadaha iyo cid kasta oo ay khusayso Somaliland ka aqbali mayso suurto galna maaha in dhowr kun oo sandkasta jaamacadaha ka soo qalin jabiya aanay waxba ka dhicin ama ka hadhin.

Hadii xaalada Tacliinta Sare sidan ku sii socoto waxay saamayn xun ku yeelan doontaa sumcada waxbarasahda Somaliland.

Runtii waxa jira dhalinyaro si la yaab leh wax ugu bartay dalka gudihiisa oo aad u dedaalay iyaga oo adeegsanaya Tiknoolajiyada Casriga ah sida Internet-ka oo kale  laakiin waxay noqonayaan tiro yar marka loo eego kumanaanka kun ee sanadkasta jaamacadaha ka soo qalin jabiya.

 Su’aal : Maxay u shaqayn wayeen Gudigii loo magacabay Tacliinta Sare? 

1.Ujeedada loo magacaabay oo ka duwan magaca uu xanbaarsan yahay oo ahayd in mansabyo ama mushahar badan loogu sameeyo qaar ka mid ah ragii qurbaha iyo dalka gudihiisaba kaga soo qamaamay madaxtooyada doorashadii ka dib

2. Qaar ka mid ah dadkii la magacabay oo kaga mashquulay danahooda gaarka ah, waxay wakhti u wayeen shaqadii gudiga

3. Xubno ka mid ah gudiga oo madax  ka ah ama iska leh jaamacadaha qaarkood sidaa awgeedna caqli gal maaha inay qiimeeyaan jaamacadaha  ay tartanka ku wada jiraan

4. Rag ka mid ah masuuliyiinta oo iska dhowra inuu godob u galo Qaranka ama Danta guud ee ummada

5.Waa Dabeecad aadamuhu iska leeyahay in aanu Gudigu ama qofku xil weyn iska saarin hawsha loo igmaday haddii aanu ka baqanayn in lagula xisaabtamayo.

Hadaba haddii ay inaga dhab tahay in la wanaajiyo tayada Jaamacadaha dalkeena waxa loo baahan yahay in la raaco talooyinkan iyo wixii kale ee lagu dari karo:-

 1.       In la magacaabo dad wakhti ku filan u heli kara hawlaha gudiga oo dareen u leh xilka saaran

2.       In gudiga laga saaro xubanaha madaxda ka ah Jamacdaha dawlada iyo mulkiilayaasha kuwa gaarka ah si aanay isaga hor iman dantooda iyo danta guud

3.       In Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare laga furo xafiis laga bixiyo cadayn ah in ardayga sitaa u qalmo ama geli karo jaamacadaha dalka

4.       In 3 biloodba Gudigu is qiimeeyo ama la qiimeeyo waxay ka qabteen taynta Jaamacadaha .

Gabo gabo: Ujeedada qoraalku maaha in la xidho Jamacadaha dalka oo kama maarano, Ujeedadu waxay tahay in aan laga warwareegin in ogolaanshaha laga la noqdo kuwa buuxin kari wayay 50% heerka looga baahan yahay Jaamacadaha ama u hogaansami waaya xeerarka iyo amarada Gudida Tacliinta Sare ka soo baxa .

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com