Xaflad loo Sameeyey Mashruuc Biyo Lagu Gaadhsiiyey Xaafadaha Ayaxa 1 & 2 ee Koonfurta Hargeysa

0
554

Hargeysa (Geeska)- Madaxda Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xaflad lagu daah-furay mashruuca biyo-ballaadhinta ee xaafadaha Ayax 1 & 2 ee Koonfurta magaalada Hargaysa shalay.

wwww

Xafladda furitaanka dhammaadka mashruuca biyo-ballaadhinta, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), Wasiirka Khayraadka Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac oo ay wehelinayeen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo Masuuliyiin ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Mas’uuliyiintan oo ugu horreyn kormeer ku maray Waaxyaha biyo-soo-saarka ee xaafadaha Ayaxa 1 iyo 2 ee Deegaanka Xaraf oo ay ku nool yihiin in dadweyne ka badan 10,000 (toban kun), gaar ahaan dadka danyarta barakacayaasha oo loogu talogalay inay ka faa’iidaystaan mashruucaas, iyadoo sida qorshuhu yahay ay dadkaasi maalintii heli doonaan biyo nadiif ah oo cabbirkoodu yahay 302m3., mashruucaas oo ay fulisay Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo maalgelin ka heshay Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Eng. Khaliif oo ku hadlay magaca Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashruucan, isagoo xusay in dhammaystirkiisu qaatay muddo hal sanno (April 2015 – April 2016), isla markaana uu uu ka kooban yahay dhigidda beebabka biyaha masaafo dhan 5.1 Km, dhismaha 7 kaalmood oo biyaha laga dhaansado oo midkiiba leeyahay 4 qasabadood iyo laba nooc oo qalabka biyaha tuura oo lagu rakibay xarunta biyo safaynta ee Xaraf ee Koonfurta Hargeysa.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ku hadashay afka Guddiga Hagayaasha (BoD) Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa soo jeedisay in la sameeyo goobo biyo-soo-saar, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi; “Waxaan hay’adaha intan sameeyey ka codsanayaa inay biyaha keydka ah u kordhiyaan, waayo waa meel buuroley ah, waa meel adag, waxa loo sameyn karaa berkado biyaha kaydiya.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Maaryeeha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad oo ka warbixiyay Mashruucan, waxannu yidhi; “Laga bilaabo maanta, dadka ku nool xaafadaha Ayaxa 1 & 2 waxay helayaan biyo nadiif ah. Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay aad ugu mahadnaqaysaa qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee maalgeliyay Mashruucan biyo gelinta Xaafadaha Ayaxa 1 &2. Waxanan bulshada deegaanka ugu baaqayaa in ay ilaashaadaan oo dhawrtaan adeegyadan loo fuliyay.”

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) oo xafladda hadal ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay qaadhaan-bixiyayaasha iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay ka midho-dhallinta bashruucan biyaha lagu gaadhsiiyey degaannada Koonfurta Hargeysa.

“Waxan aad ugu faraxsannahay in aan goob-joog ka noqdo dadka deegaanka Ayaxa 1 & 2 oo helay biyo nadiif ah oo weliba ka hor helay magaalada Hargeysa intii kale; tanina waxay ku timi dedaalka wada jirka ah iyo iskaashiga Wasaaradaha Qorshaynta iyo Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo qaadhaan-bixiyayaasha oo aan aad ugu mahad-naqayo”

Ugu dembeyn, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac oo munaasibaddaas lagu daah-furayey mashruuca biyo ballaadhinta Caasimadda Hargeysa ka warbixiyay, ayaa tilmaamay inay ka Wasaarad ahaan bulshada Somaliland diyaar ugu yihiin sidii ay biyo nadiif ah u heli lahaayeen.

“Dawladda Somaliland waxay dedaal badan u gashay in caasimadda Hargeysa oo ugu dad badan ay hesho biyo, iyadoo ay ku jiraan xaafadaha Ayax 1 & 2, isagoo caddeeyey in biyuhu si rasmi ah u wada gaadhi doonaan caasimadda Somaliland horaanta sannadka 2017. Waxanu ka wada shaqayn doonaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa sidii maalgelin loogu heli lahaa in la dhiso goobo kayd ah oo biyaha waqtiga jiilaalka laga cabi karo,” ayuu yidhi Md. Baashe Cali Jaamac.

Qaybaha kale ee Mashaariicda laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa ka mid ah; qodista 3 ceel biyood oo ku yaal deegaanka Hora-hadley iyo dhigidda beebab masaafo dhan 6 Km oo ceelasha ku xidhaya Geed-deeble

Beebab cusub oo la soo iibiyay oo la dhigayo masaafo dhan 23 km oo isku xidhaya Geed Deeble ilaa Berkadda Kaydka Biyaha, qorshaha biyo-qaybinta xaafadaha magaalada Hargeysa, dhismaha iyo qalabaynta shaybaadhka tayada biyaha ee Wakaaladda Biyaha caasimadda iyo dhismaha 3 ballay oo kobcinaya biyaha Xaraf oo ah kuwa loo gudbiyo xaafadaha Ayaxa 1 & 2.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa deeq lacageed oo ka taageera Dawaladda Somaliland hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo Dawladaha Norway iyo Netherland.