Xadhiga Maxamed-baashe, Doodda Booliska, Cambaaraynta SOLJA Iyo Baaq Xuquuqal Insaanka

0
549

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa habeen hore xabsiga u taxaabtay agaasimihii telefishanka Star TV Maxamed-baashe Xaaji Xasan.

Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay in agaasimaha star tv Maxamed Baashe loo xidhay inuu ku kacayy falal kicin dadweyne iyo khalkhalgalin amniga, isla markaana ka baxay shaqaddii suxufinimo, “Ciidanka boolisku waxay xidheen eedeysane Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah agaasimaha Star tv, kaas oo lagu eedeynayo inuu ku kacay falal ah kicin dadweyne, khalkhalgalin amni,isla markaana ka baxay mihnaddii saxaafadda ka dib markii uu ka hor yimid mashruucii madaarka Berbera ee labadda gole qaran cod caqlabiyad leh ku ansixiyeen”ayuu yidhi Faysal Xiis oo ka faahfaahinayey sababta loo xidhay wariye Maxamed Baashe, waxaanu intaas raaciyay “ eedeysanne Maxamed Baashe wuxu qaban qaabinayeyy shir lagu qaybinayey waraaqo lagu kicinayey dadweynaha wuuna xidhan yahay may ahayn inuu galo wax aan shaqadiisa ahayn oo dambi ciqaabeed ayuu galay si degdeg ah waxa loo hor gaynayaa maxkamada”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa xadhiga Maxamed-baashe iyo xadhiga saxafiyiin kaleba ku tilmaamay mid xad-gudub ah, waxaanu yidhi “waxa lagu xidhay agaasimihii tv-ga STAR TV, doraadna waxa magaaladda Hargeysa lagu xidhay oo markii dambe la siidaayey mulkiilihii UNIVERSAL TV iyo wakiilka Somaliland u jooga,, labadda dhacdo waxaanu u aragnaa xad gudub lagula kacay xoriyatul qawlka, tusaale ahaan mulkiilaha UNIVERSAL Eng:Axmed Abuukar iyo Caabi oo ah wakiilka Somaliland u jooga tv-gaasi sirdoonka gobolka Maroodi jeex baa xidhay, iyagoo sifo sharci ah u marin xadhigiisa, sharciguna wuxuu dhigaya in maxkamad awood u leh ay wariyeyaasha xidhi karaan, hore sirdoonku way iska xidhaan, markii dambana way iska sii daayeen, marka waanu cambaaraynaynaa falalka sharciga ka baxsan ee lagula kacay wariyeyaasha.”

Geesta kale, guddoomiyaha ururka xuquuqal insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac, ayaa cambaareeyay xadhiga weriye Maxamed-baashe, waxaanu ku baaqay in xorriyadiisa loo soo celiyo, waxaana warsxaafadeed ay xaruntu soo saartay ku tidhi sidan “Booliiska Somaliland waxaay xidheen Maxamed Baashe Xasan oo ah suxufi iyo qoraa caan ah oo hada agaasime ka ah telefiishanka Star. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Maxamed si aan shuruudi ku xidhnayn.

 Maxamed wuxuu kaga qaybgalay hoteelka Maansoor xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland oo la xuso 20kii February 1982 oo ahayd markii dawladii ciidanka ahayd ee Siyaad Barre ay gacan kulul kaga hortagtay arday ka mudaharaaday aqoon yahan la xidhay. Maxamed wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka qayb gashay mudaharaadkaas ardayda.

 Xuska oo uu ka qaybgalay wuxuu Maxamed ka sheegay sida uu uga soo horjeedo qaabka loo maamulay saldhigga ciidan ee laga siiyay Imaaraadka Carabta magaaladda Berbera.

Booliisku waxaay ku eedeeyeen Maxamed kicin dadwayne iyo khal-khalgelin amni.

 Xaruntu waxaay sida ugu adag u canbaaraynaysaa xadhigga suxufigan caanka ah oo ah nin ixtiraam bulshada ka kasbaday laguna yaqaan doorkii uu ku lahaa diidmadii la diiday cabudhintii dawladii ciidaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland iyo qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxaay damaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda iyo hadalka.”

Geesta kale Maxamed-baashe ayaa habeen hore ka qayb galay caways ka qabsoomay Hargeysa oo lagu xusayay maalinta dhallinyarada adduunka, waxaanu soo qaatay astaamo ay ku qoranyihiin “Fadlan Na Qanci” oo uu kaga hadlayay madaarka Berbera ee saldhiga laga siiyay Imaaraadka Carabta. Hore ayaa wuxuu u sameeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook oo uu u dhignaa

“Bidaartaydii

Baloodh moodyoo

Baashe bixin gaadh”

Arrimahan ayaa la aaminsanyahay inay qayb ka yihiin xadhiga weriye Maxamed-baashe Xaaji Xasan, waxase la wada eegayaa dambiga lagu soo oogo iyo nooca uu noqdo.