Xabsi Dembiile Loo Waayey Oo Hawlo Kale Oo Isticmaalayo

0
1089

Amsterdam (Geeska)- Dawladda Natherland ayaa albaabada u laabtay 27 xabsi iyo hay’ado garsoor oo dalka ku yaallay kadib markii ay si aad ah hoos ugu dhacday tirada dembiyada dalka ka dhacaya, waxa aanay go’aamisay in xabsiyada madhan loo beddelo goobo ciyaaraha maarrarowga ah lagu qabto.

Koonfurta dalka Natherland waxaa ku yaalla xabsi aad u weyn oo lagu magacaabo Breda, waxa uu dhisan muddo 130 sano ah. Xabsigan iyo tobannaan la mid ah oo ku yaalla dalka Natherland maanta cid maxaabiis ahi kuma jiraan, kadib markii ay boqolkiiba 20 hoos u dhacday tirada dadkii dembiyada geli jiray waxaa qasab noqotay in la xidho 27 kan xabsi iyo xarumahoodii garsoor.

Marka laga tago hoos u dhaca dembiyada la gelayo, sababaha kale ee keenay in maxaabiistu yaraato waxaa ka mid ah qaabkii xukunnada maxkamadaha oo wax laga beddelay, tusaale ahaan dad badan oo awal cabsi laga qabo in ay wax sameeyaan awgeed loo xidhi jiray ayaa hadda lugta ama gacanta loogu xidhaa silsilad uu ku rakiban yahay qalab kombiyuutarka booliiska u sheegaya halka uu qofku joogo iyo in uu ku dhowaaday meelaha laga ilaalinayey, waxaa jira iyaguna in goobaha caafimaadka maskaxda aad loo tayeeyey dad badan oo dembiyo galena la ogaaday in sababaha ay ka mid tahay caafimaadkooda maskaxda oo aan fiicnayn, sidaa awgeed maxkamaddu halkii ay ka xidhi lahayd ay u gudbiso goobaha caafimaadka maskaxda ama caafimaadka nafsiga ah.