Xabaasuuddu Waxa Ay Leedahay Faa’iidooyin Caafimaad Oo Ay Ka Mid Yihin Faytamiinno Iyo Daweynta Xanuunadu

0
23291

Hargeysa (Geeska)- “Xabaasuuddu geeri mooyee, cudur kasta oo kale waa ka dawo” waxaa hadal macnahaas ku dhow yihin, Nebigeennii Muxammed (SCW). Aadamuhu bilowgii noloshiisaba waxa uu xabaasuudda u aqoonsanaa dawo uu kula tacaalo xanuunno aad u tiro badan. Tan iyo markii ay bilowdeen cilmibaadhisaha kala duwan iyo tijaabooyinka dadku ku baadhayo waxyaabaha waxtarka u leh nolosha iyo caafimaadkana, mar keliya isma ay beddelin natiijada lagu ogaanayo faa’iidooyinka xad dhaafka ah ee ay xabaasuuddu leedahay.

Xabaasuudda waxaa ku jira faytamiinno tiro badan oo ay ka mid yihiin, A, E, F, B1, B3, B6’ Beta-carotene, Biotin, curiyeyaal yaryar oo tiro badan iyo maaddooyin lid ku ah mariidka / sunta cuntada ka samaysanta ee jidhka ku dhalata. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay xabaasuuddu ka samaysantahayna waxaa ka mid ah ‘Thiamin’ oo leh awood liddi ku ah kaarka, nabarowga, una shaqaysa sida xanuun baabi’iyaha, isla markaana ilaalisa caafimaadka beerka iyo keliyaha. Waxa kale oo ay u shaqaysaa sida dawada Isbiriinka (Aspirin), waxa aanay leedahay awood liddi ku ah kansarka.

Marka aynu si guud u eegno waxyaabaha laga faa’iido isticmaalka xabaasuudda waxaa ka mid ah, xoojinta habdhiska difaaca ee jidhka, la dagaalanka dhiig la’aanta iyo kor u qaadista heerka barootiinta loo yaqaanno Himoglobiin ee ku jira unugyada dhiigga cas oo ogasiinta gaadhsiiya nudaha jidhka iyo unugyada dhiigga cas, waxa aanay liddi ku tahay Bakteeriyada, Jeermiska, Fangiga iyo dulinka. Waxaa intaas dheer in ay ka hortagto in kelyaha uu dhagax ku samaysmo. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee talefishanka laga leeyahay dalka Ruushka ee Russia today, waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah xaaladaha caafimaad ee ay xabaasuuddu si gaar ah waxtarka la taaban karo ugu yeelato. Kuwaas oo kala ah:

Xasaasiyadda:

Xabaasuuddu waxa ay dawo ka tahay, ama ugu yaraan ay dejisaa kaarka iyo xanuunka xasaasiyadda, gaar ahaan noocyada ay ka mid yihiin samboorka iyo xiiqdu. Tijaabo lagu sameeyey 150 qof oo ka cabanaya noocyo kala duwan oo xasaasiyad ah, ayaa isbeddel caafimaadqab ah lagu arkay markii muddo maalin kasta la siinayey 5 boqol oo miligraam oo saliid xabaasuud ah.

La dagaalanka dulinka

Tijaabooyin cilmiya oo carruur lagu sameeyey ayaa muujiyey in saliid xabaasuuddu ay wax weyn ka tarto ka takhalusidda gooryaanka. Sida oo kale midhaha xabaasuudda ayaa dila gooryaanka iyo xitaa ogxaantiisa.

Xanuunka Macaanka iyo waxtarka xabaasuudda

Xabaasuuddu waxa ay yaraysaa raadka xaaladda dadka macaanka qaba lagu arko ee afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘Oxidative stress’ oo ah in jidhku uu lumiyo awoodda uu u lahaa isu dheellitir mariidka jidhka ku samaysmaya iyo lidka mariidka/sunta. Waxa kale oo ay xabaasuuddu ilaalisaa badqabka unugyada ganaca oo uu macaanku halis geliyo. Sida oo kale saliidda xabaasuuddu waxa ay hoos u dhigtaa heerka Guluugooskta ee midhicirada iyada oo korna u qaadda Insulin ta uu jidhku soo saarayo.

Habdhiska difaaca

Xabaasuuddu waxa ay raad togan ku yeelataa caafimaadka caloosha, waxa ay kaxaysaa xaaladda gaasteriga ku timaadda ee ah in asiidhka / biyo kululi ay dib uga soo noqoto caloosha oo ay hunguriga ku soo noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here