Xaaskiisii Oo Cadhootay Ayaa Uu Wargeysyada Far Waaweyn Ugu Soo Qoray Waan Ku Raalli Gelinayaa

0
662

Qaahira (Geeska)- Waxa ay noqotay dhaqan dadka reer Masar ku cusub, markii ay sabtidii 15ka Abriil indhaha ku kala fureen wargeysyada Masar oo uu ku qoran yahay ogeysiis farwaaweyn lagu dhigay, oo ah raalli gelin uu nin xaaskiisii raalli gelinayo. Ogeysiiskan oo cinwaan weyn looga dhigay, ‘RAALLI GELIN’ ayaa u dhignaa sidan, “Aniga oo ah Cimaad Muxamed Axmed Lamaamaha, waxa aan u cudur daaranayaa marwo Manaal Qarani Suufi Cabdalxamiid oo ah xaaskaygii hore iyo ubadkayga hooyadood. Waxa aan ka raalli gelinayaa qaladaadkii aan ka galay hadal iyo ficilba, waxa aanan si niyad ah ugaga mahadcelinayaa sida ay ugu go’day korinta iyo daryeelka ubadkayga, Axmed, Muxamed, Cabdiraxmaan iyo Camar, waxa aanan Alle uga baryayaa in uu caafimaad qab ku waariyo”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya, in ninka ogeysiiskan qoray uu ka shaqeeyo mid ka mid ah bangiyada, degmada Bin Suweyf ee koonfurta Masar, waxa aanay xaaskiisu ahayd Marwo Manaal oo u dhashay afar wiil oo hadda dhammaantood dhalinyaro ah.

Waqti hadda laga joogo sannad iyo bilo ayaa xaaskiisa (Manaal), hooyadeed uu ku dhacay xanuun fadhiisiyey dhinacna faalig kaga riday, kadib Manaal waxa ay u go’day daryeelka hooyadeed, waxa aanay u soo guurtay guriga ay taallay si ay mar kasta u daryeesho. Arrintaasi waxa ay aad uga cadhaysiisay ninkan oo marar badan ku amray in ay gurigeeda joogto oo ay haysato qoyskeeda oo uu u arkayey in ay dayacday.

Cimaad waxa uu ku doodayey in Manaal walaaladeed ay ka qayb galaan daryeelka hooyadood (Soddohdii) oo ay ugu yaraan kaltan ku galaan hadba kooda la joogaya ee daryeelaya hooyadooda bugta.

Manaal ma’ay awoodin in ay aqbasho doonista saygeeda, waayo duruufta ay markaas walaalaheed ku noolaayeen ayaa ahaa kuwo aan u saamaxayn in ay u soo gacan baxaan la joogista hooyadood oo xaaladdeedu qasab ka dhigaysay in mar kasta la’ ag joogo.

Ugu dambayntii ninkani waxa uu xaaskiisa Manaal kala doorransiiyey in ay gurigeeda joogto iyo in uu furo oo sidaas ay hooyadeed kula joogto. Waxa ay dooratay qodobka labaad oo ahaa in ay kala tagaan, iyada oo ku doodaysa in aanay xaaladda hooyadeed ku sugan tahay ahayn mid ay wax kale ku doorsan karto, sidii ayaana uu furniinkii af ahaan u dhacay.

Weliba waxa ay u sheegtay in si aanay isaga dadku ula yaabin ay arrinta furniinka u fududaynayso iyada oo ceebta u diiddan saygeeda, waxa aanay tagtay maxkamadda oo ay ka furatay dacwad furniin ay ku dalbanayso, si kastaba ha ahaato ee, in kasta oo uu furniinku sharci ahaan dhascay, haddana dacwaddii dhammaystirka oo aan weli dhammaan ayaa uu wiilkeeda weyni soo dhex galay waxa aanu aabihii ku qanciyey in hooyadii ay waajib diiniya gudanayso, sidaa awgeed aanu ku qasbin in ay isaga adeecdo, arrintaas oo uu ninkuna ku qancay, oo weliba uu qiray in ay iyadu ka saxantahay.

Wiilkani intaas kuma uu joogan ee waxa uu aabihii ku qanciyey in uu hooyadii Manaal raalli geliyo, oo weliba uu u raalli geliyo hab aan hore looga aqoon inta badan ee dunida Carabta, oo ah in uu ogeysiiskan malaayiinta reer Masar ugu sheego in uu qaldanaa.

Maalin ka hor markii ay maxkamaddu u muddaysay ku dhawaaqista xukunka dacwaddan ayaa uu ogeysiiskan yaabka lihi ku soo baxay wargeysyada Masar, kadib carruurtiisii ayaa si rasmi ah maxkamadda uga dalbaday in ay arrinta iyagu dhammaynayaan,  aabahoodna la ogol yahay, taas oo maxkamadduna ka aqbashay, sidaasna qoyska dhismihiisii ku sii socday.