Xaaladda Wadanka Ukraine Oo Qasan Iyo Madaxweynihii Oo Hadlay

0
564

Picture3Madaxweynaha Ukrain, Viktor Yanukovych ayaa sheegay inaanu iscasilayn. Isagoo ka hadlaya telefishin magaalada Kharkiv, Mr Yanukovych ayaa talaabada uu baarlamaanka qaaday ku sheegay inay tahay boob iyo in la rido dowladda.

Wuxuu is barbar dhigay xaalada siyaasada Ukrain xisbigiii Naziga ee Jarmalka jiray kun sagaal boqol soddomeeyadii. Wuxuu sheegay in baabuurkiisii la weeraray laakiin aanu cabsoonayn.

Waqti dhow ayaa baarlamaanka Ukrain uu codeeyay in madaxwenaha la caydhiyo. Waxay kaloo dajiyeen taariikhda la qabanayo doorashada madaxweynenimada inay tahay labaatan iyo shanta May.

Madaxweyne Yanukovych ayaa sheegay in baarlamaanka uu sharciga jabiyay markuu magacaabay afhayeen cusub iyo ka sii daynta xabsiga Ra'iisalwasaaradii hore Yulia Tymoshenko.

In ka yar labaatan iyo afar saacadood kadib, ayaa heshiiska Madaxweynaha Ukrain Viktor Yanukovych iyo mucaaradka oo loogu tala galay in lagu dhameeyo dhibaatooyinka siyaasadeed ayay mucaaradka la wareegeen albaabka guriga Madaxweynaha.

Wariyaha BBC ayaa tagay banaanka guriga Madaxweynaha wuxuuna sheegay in dhismaha uu u egyahay cidla. Dadka mucaaradka ayaa wali jooga banaanbaxyo ay ku samaynayaan fagaaraha madaxbanaanida.

Horaantii, hogaamiyaha mucaaradka Vitaly Klitschko, ayaa u sheegay dadka banaanbaxaya inuu waydiisanayo baarlamaanka go'aan lagu baaqayo madaxweynaha inuu is casilo.