Xaaladda Deeganka Ceelafweyn Oo Degen, Ka Dib Dagaalkii

45
2648

Hargeysa(Geeska)-Xaaladda deegaanka Ceel-afweyn ee ay toddobaadkan ku dagaalameen beelaha walaalaha ahi ayaa degen, mana jirto xiisad hadda ka taagan.

Ka dib dagaalkii Arbacadii dhacay ee sababay dhimashada iyo dhaawicii ugu badnaa, waxa ay xaaladu u muuqataa inay degentahay waxaana jiidaas si balaadhan isugu fidiyay ciidamada qaranka Somaliland, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaqa ergooyin nabadeed oo gurmad ah. Hargeysa ayaa waxa si weyn looga dareemayaa baaqyada ay bulshadu xukuumadda ugu baaqayso inay awood dawladeed ku kala dhex gasho labadaas beelood islamarkaana cadaaladda la horkeeno cidda dabada ka riixaysa in dhiigga dadka walaalaha ahi macno la’aan ku daato. Sidoo kale waxa Hargeysa laga dareemayaa ergooyin doonaya inay ka qayb galaan xalinta dagaaladaas.

Madaxweyne Biixi, ayaa baaq nabadeed u diray beelahaas walaalaha ah, laakiin xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa madaxweyne Biixi ku dhaliilay baaqaas nabadeed ee uu diray, waxaanay madaxweynaha u soo jeediyeen inuu isticmaalo awood dawladeed soona afjaro dhibaatadaas soo noqnoqotay.

Masaajidada magaalada Hargeysa ayaa badankooda khudbadihii jimcaha ee shalay lagaga hadlay dagaalkaas iyo dhibaatada uu leeyahay dhiigga Islaamka oo la daadiyaa, waxaanay culimadu ugu baaqeen dadkaas walaalaha ah inay dagaalkan soo noqnoqday joojiyaan. Sidoo kale waxay culimadu waano u soo jeediyeen cid kasta oo ka qayb qaadanaysa dagaalkaas si toos ah iyo si aan toos ahaynba, iyagoo ka waramay faa’iidada aakhiro iyo adduunyo ay leedahay isu soo dhawaynta dadka walaalaha ahi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here