Xaaladda Adeegyada Caafimaad Ee Gobalka Gabiley Iyo Sida Ay Wasaaradu Indhaha Uga Qarsatay

0
2016

Wariye Cabdiqaadir Habane

GABILEY(Geeska) Adeegyada Xarumaha Caafimaadka Ee Gobolka Gabiley ayaan ahayn kuwo ku filan bulshada ku dhaqan guud ahaan deegaanada gobolka Gabiley, marka loo eego tirada Dadka ku dhaqan iyo kala durugsanaanta deegaanka taasi oo keentay in bulshadani aanay helin adeegyo caafimaad badi.

Guud ahaan xarumaha caafimaad ee ku yaala deegaanada gobolka Gabiley ayaa lagu qiyaasaa 8 MCH Marka lagu daro kuwa kuwa Gudaha Magaalada Gabiley.

sidoo kale xarumahan ayaan ahayn kuwo sifiican u shaqeeya iyadoo aanay haysan wax taakulo ah oo ay ka hesho Wasaarada Caafimaadka Somaliland, balse deegaanada qaar ay dadka deegaanku ee ku dhaqan Qurbaha Iyo ganacsatadu dhaqaale ay iska soo ururiyaan ay ku shaqeeyaan hawlwadeenada xarumahani qaarkood.

Wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa iyadu gabi ahaaba indhaha ka qarsatay baahiyaha dhabta ah ee ka jira gobolka Gabiley iyadoo aanay jirin wax ay xukuumadu ka fulisay deeganada Gabiley sanadkii 2018 ee dhamaaday halka aanay jirin  wax wasaarada caafimaadku uqorshaysay in laga Hirgaliyo  sanadka 2019 mana jirto wax shaqaale ah oo wasaarada caafimaadku ka shaqaalaysiisay gobolka Gabiley sadexdii sano ee ugu danbeeyay.

Wasaarada Caafimaadka waxaa u magacaaban iskuduwe  masuul ka ah dhamaan hawlaha caafimaad ee gobolka balse nasiib daro masuulkan ayaan helin wixii gobolkuxaqa ulahaa ee lasiiyo isu duwayaasha  dhigiisa ah ee ka hawlgala gobolada dalka!

Isduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Gabiley oo ah Runtii Masuul dhalinyaro ah laguna rajo waynaa in uu wax ka qabto baahiyaha caafimaad ee ka jira gobolku ma helin wasaarad uu la shaqeeyo iyo xukuumad danaysa in wax loo qabto bulshada ku dhaqan  gobolka Gabiley xilka uu hayaana runtii  waa mid aanay waxba ka jirin, malaha mushahar, shaqaalaha tanbareeriga ee uu sanadihii u danbeeyay usoo gudbinayay wasaarada caafimaadka cidi tixgalin masiiso.

Sidoo kale wasaarada caafimaadku waxay diiday in Gabiley lasiiyo gaadhi uu ku shaqeeyo iskuduwaha gobolku mana gaadhi karo hal tuulo oo katirsan deegaanada Gabiley iyadoo waxaasi oo duruufo ahi ay ku xeeraan yihiin adeegyada caafimaad ee gobolka Gabiley waxa intaas dheer Walina majirto wax rajo ah oo soo muuqaataa!

Qaar ka mida dadwaynaha reer Gabiley oo ka hadlay xaalada cafimaad ee gobolka iyo sida ay wasaarada caafimaadku u hagratay ayaa waxaa hadaladoodii ka mid ahaa; “Majirto wax gobolka Gabiley layidhaa oo ay aqoonsan tahay wasaarada caafimaadku Waxaana maamusha gobolka Maroodi jeex, hadii talaal caafimaad laqabanayo Gadiidka  waxa looga soo diraa Hargaysa, haayad kaliya oo deegaanada Gabiley dhinaca caafimaadka ka shaqaysaa majirto wixii hawl uyimaada waxaa laga soodiraa Hargaysa” Ayuu yidhi Cumar Xaaji faarax .

Iyagoo Arimaha kasii hadlaya waxay intaa ku dareen “waxyaabaha aan la qaadan karin ee gobolka Gabiley wasaarada caafimaadku kula kacday waxa kamida in aanay wasaarada wax miisaaniyada ah siinin iskuduwaha caafimaadka Gabiley iyo Xarumaha Caafimaad toona gabi ahaanba xataa malaha  mushahar isuduwaha gobolku, iskadaa shidaal iyo gaadiid loogu adeego bulshada.

Marka laga tago duruufaha qalafsan ee ku xeeran adeegyada caafimaadka ee gobolka Gabiley waxaa intaasi usii dheer in mudadii ay jirtay xukuumada madaxwayne Muuse Biixi ay halkii laga sugayay in wax iska badalaan ay kasii dartay

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ah isagu masuul deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka gabiley kaasi oo bulshada reer gabiley rajaynayeen in uu waxka badali doono cadaaladd daradii ay wasaarada caafimaadku ku haysay gobolka gabiley maada uu agaasimaha guud yahay masuul reer gabiley ah.

Waxaa markaliya meesha ka baxday rajadii laga qabay agaasimaha guud  ee wasaarada caafimaadka isagoo dhanka kale albaabada u laabay xafiiskii iskuduwaha wasaarada ee Gabiley kaasi oo uu dhismihii xafiiskana ku wareejiyay maamulka gabiley iyo koox la sheegay in ay xarun aan la shaacin waxa ay tahay ay ka dhisanayaan. Taasi oo amakaag ku noqotay shacabka reer gabiley iyo bulshadii islahayd hada ayuunbaa la keenay masuul aad isku deegaan tihiin oo waxka qaban doona baahida caafimaadk ee gobolka taala.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa xiligan bilaa xafiis ka dhigay masuulka wasaarada caafimaddka ee gabiley mana jirto wax uu ku sobobeeyay talaabadan uu albaabada ugu laabay xafiiskii iskuduwaha.

 

Wariye Cabdiqaadir Habane

wajalenews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here