“Wixi Danta Umaddu Ku Jirto Ayaanu Qaadanaynaa”

0
1082

Xildhibaan Maxamed-wali Warsame

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay muddo kordhinta la filayo inay sameeyaan maalmaha soo socda.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Muddo kordhinta anaga ayaa leh, Dastuurkuna wuu na siiyey, sidaas oo ay tahay mar haddii ay Komishanku sheegeen in aan Doorasho la qaban karin, waxaanu la tashanaynaa cid kasta oo ay Doorashadu khuseeyso, waxaana eegayna sababaha keenay inay Doorashadu dib ugu dhacdo, wakhtiga ugu haboona ee Doorashado ay ku dhici karto, wixii markaas soo baxa ayaanu ku dhaqmaynaa, Golaha Guurtidu danta dadka iyo danta dalkaba uu ka shaqeeynayaa, nalooma yeedhinayo waxaanu qabanayno, ee waajibkayaga dastuuriga ah ayaanu ka gudanaynaa muddo kordhinta, waxaana soo dhigi doona waxay 82-muddane ee Golaha Guurtidu isku raacan, Guddidina waanu u saarnay aanu ugu talaganay inay xaqiiqada raadiyaan, Golaha oo dhami ma wada raadin karo xaqiiqada ee Guddi xaqiiqada raadisa, oo na soo hor dhiga ayaanu Gole ahaan hawshan u dirnay, Goluhuna waa isku wada mid, nina ma rabo inuu Golahaasi xumaado, nina mar rabo in dalka waxyeelo gaadho”.

Mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Saddexda Xisbi, Madaxweynaha iyo Golayaashaba danta umadda ayaa ka weyn, ee wixi danta umaddu ku jirto ayaanu qaadanaynaa, arimo ka culus oo ka xun baa na soo maray, markaas Golaha Guurtidu mar walba danta umadda ayuu wax walba ka horumarinaya, umaddana waxaa la gudboon inay aad uga feejignaadan wax kasta oo xaqiiqada ka fog inay run moodan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here