Wiilkii Reer Hargeysa Ee Ku Andacooday In UAE Laga Soo Masaafuriyay Oo Gaadhay Qatar

0
544

Hargeysa(Geeska)-Ismaaciil Cumar Madar oo ah wiil reer Somaliland ah oo dhawaan sheegtay in laga soo saaray tartankii Quraanka Kariimka ah ee lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa socdaal rasmi ah ku tagay dalka Qatar.

Ismaaciil, ayaa sheegay in tartankaas lagaga soo saaray isagoo tartanka kaga qayb galay magaca dalka Soomaaliya, ka dib markii ay dawladda Somaliya diiday inay xidhiidhka u jarto dalka Qatar, lana safato xulafada Sucuudiga. Ismaaciil ayaa markii uu ka soo degay magaalada Hargeysa, waxa laga joojiyay socdaal uu doonayay inuu ku tago magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxaana lagu sii daayay damiin ka dib markii lagu qabtay Madaarka Hargeysa.

Hase yeeshee sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Ismaaciil ayaa waxa ay ciidamada ammaanku fasaxeen tobankii dambe ee Ramadaan ka dib markii ay baadhis ku sameeyeen, waxaanu dalka ka dhoofay 27 Ramadaan isagoo socdaal rasmi ah ku tagay dalka Qatar, ka dib markii sida la sheegay uu martiqaad rasmi ah ka helay dalkaas.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya suurtogalnimada in dalka Qatar degenaansho rasmi ah siiso Sheekh Ismaaciil.