Wiilka Uu Trump Soddoga U Yahay Oo Hoggaamin Doona Qayb Aqalka Cad Ka Mid Ah

0
744

Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa in uu shaaciyo qeyb cusub oo ka mid ah Aqalka Cad oo u qaabilsanaan doonta dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka federaalka ee Mareykanka.

Qeybtaas waxaa la filayaa in uu hogaamiyo wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner.

Wargeyska Washington Post oo ka warramay tallaabadan cusub, wuxuu ku tilmaamay xafiiskan cusub "kooxda burburinta" ee maamulkii hore ee ganacsiga gaarka ah.

Xafiiskan cusub wuxuu lahaan doonaa awood ballaadhan oo uu wax kaga badalayo hannaanka dowladda, sida wargeysku uu daabacay.

Mr Kushner wuxuu Washington Post u sheegay in "dawladda ay tahay in ay u shaqeyso sida Shirkad weyn oo Mareykan ah".

"Waxaan rajeyneynaa in aan gaarno guusha iyo wanaagga macaamiisheena oo ah muwaadiniinta," ayuu yidhi.

War qoraal ah oo loo diray wargeyska Washington Post, Madaxweyne Trump wuxuu ku sheegay in xafiiska cusub uu fulin doono waxyaabihii uu ololaha ku ballanqaaday.

"Dowladda oo la curyaamiyo ayaa hortaagan awoodeena aan sida wanaagsan ugu shaqeyn lahay, aalaaba waxay sameeyaan ciriiri iyo dib u dhacyo", ayuu yidhi Trump.

Wuxuu tilmaamay in xafiiska cusub uu u suuragelin doono in uu "hore ugu socdo jadwalkiisa" ee dowladda uu ugu talagalay.

Jared Kushner oo 36 sano jir ah, wuxuu ka shaqeeyaa maalgashiga dhulka, wuxuuna guursaday gabadha uu dhalay Donald Trump oo lagu magacaabo Ivanka.

Hadda wuxuu madaxweynaha kala taliyaa xidhiidhka caalamiga ah, waxaana la sheegaa in Trump uu ka caawiyay ololihii uu u galay doorashadii November.

Ninka ugu sareeya dhinaca istiraatiijiyadda ee Aqalka Cad, Steve Bannon, ayaa la filayaa in aanu door ku lahaan doonin kooxda cusub.

Mr Bannon ayaa horey ugu baaqay "baabi'inta ismaamul goboleedyada" taas oo dareen weyn dhalisay.