Wiil Xanuun Dhimirka Ah Ayaa Oo Waxbarashadiisa Gaadhsiiyey Shahaadada Labaad Ee Heerka Jaamacadda

40
3622

Aljeris (Geeska) – Daaha Xuseen Cabdalxaakim, waa arday jaamici ah oo u dhashay dalka Aljeeriya. Waxa uu hadda wadaa waxbarashada jaamacadda ee shahaadada heerka labaad (Master) oo uu ka barto jaamacadda Ghardia oo ku taala gobalka Ghardia ee dalkaas. Dhaawac madaxa ah oo soo gaadhay mar uu meelsare ka soo dhacay ayaa raad taban ku yeeshay caafimaadkiisa guud iyo gaar ahaan dhinaca dareen-wadayaasha iyo maskaxda. Waxa uu yeeshay gariir aanu xubnihiisa xakamayn karin, oo socodkii ku adkeeyey, waxaa daciifay araggii, ugu dambayntiina waxa ay dhakhaatiirtii takhasuska ahaa ee xaalkiisa gacanta ku hayey sheegeen in uu qabo xanuun dhimirka ah, oo sabab u ah xaaladahan kale oo dhan, waxaa la geeyey cisbitaalka dhimirka oo muddo afar sano ah lagu hayey.

Xaaladahaas oo dhami waa imtixaan dunida ka dhaca oo cidi dareen gaar ah kuma ay eegin, waxa se wax laga yaabay oo aan hore u dhici jirin noqday markii uu Daaha Xuseen ku guulaystay in isaga oo aanay xaaladdiisu is beddelin uu xaadiro fasallada waxbarasho, ee weliba uu qaato maaddo adag oo ah sugaanta Carabiga. Imtixaankii shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor) ayaa uu si fiican ugu guulaystay, mar labaadna waxa uu ku guulaystay shuruudihii aqooneed ee ku xidhnaa shahaado loo yaqaanno ‘Rukhsadda suugaanta Carbeed’ oo dalkiisa bixiyo. Xuseen Daaha maanta waxa uu ku jiraa sannadkii labaad ee waxbarashada Masterta oo haatan dhammaad ku dhow.

Daaha waallidiisu ma’aha mid uu maskax ahaan isku dhex daadsan yahay, laakiin waa xaalad dhab ah oo ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen, dawo kama dambays ahna ay u waayeen. Waxa aanu go’aansaday in uu noloshiisa hore u sii wato, naftana ku qanciyo runta ah in sida keliya ee uu ku badbaadi karaa ay tahay in uu aqbalo xaaladdiisa, kana shaqeeyo sidii uu ula noolaan lahaa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here