Wiil Uu Dhalay Wasiir Ciraaqi Ah Oo Diyaarad Qaadi Weyday Ka Celiyay Madaarka Baqdaad

0
541

Picture2Xaalad yaab, cadho iyo xiiso isku dhafan wata ayaa galabnimadii khamiista dhacday kaddib markii diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Lubnaan loo diiday inay caga dhigato madaarka Baqdaad ee waddanka Ciraaq.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen in ka badan 70 qof oo rakaab ah ayaa waxaa kaloo diyaaradda Lubnaan kasoo raaci lahaa wiil uu dhalay wasiirka gaadiidka Ciraaq iyo wiil kale oo saaxiibkii ah oo safar fasax ah ku joogay caasimadda Lubnaan ee Bayruut.

Wiilka wasiirku dhalay iyo saaxiibkii waxay kasoo habsaameen wakhtigii jadwalka diyaaradda muddo lix daqiiqadood ah, arrinkaas oo keenay inay diyaaraddii kacdo oo aanay sii sugin maadaama qaanuunka diyaaraduhu qorayo inaan shakhsi aan joogin la sugin.

Wiilashii markii ay yimaadeen halkii ay diyaaradda ka raaci lahaayeen ayaa loo sheegay inay diyaaraddii kacday oo ay soo habsaameen, hase ahaatee wiilkii wasiirka ciraaqiga ah dhalay ayaa xanaaqay islamarkaasna deg deg ula hadlay maamulka duulimaadka Airportka Baqdaad, una sheegay inaanay diyaaraddaan iyada ah u oggolaanin inay kasoo dagto Baqdaad ilaa ay dib usoo noqoto oo ay isaga iyo saaxiibkii soo qaaddo.

Maamulkii madaarka Baqdaad waxay fuliyeen go’aankii wiilka wasiirka, iyagoo la hadlay diyaaradda oo markaas maraysay xuduudka Lubnaan iyo Suuriya, una sheegay inaanay kasoo dagi karin Baqdaad ilaa ay dib u noqoto islamarkaasna dib usoo qaaddo labadii wiil ee ay kasoo tagtay.

Maamulka iyo hagayaasha diyaaradda Lubnaan ayaa amakaagay islamarkaasna baddalay khadkii diyaaradda, iyagoo dib ugu noqday dalka diidayna inay soo qaadaan wiilashii iyo guud ahaan rakaabkii diyaaradda saarnaa oodhan.

Arrintaan ayaa ceeb iyo fal aan la qaadan karin ku noqotay guud ahaan waddanka Ciraaq, iyo gaar ahaan wasiirka gaadiidka ee uu wiilkiisu arrintaan ka danbeeyey. Ra’iisalwasaare Nuur Almaaliki ayaa warbaahinta u sheegay inuu amray baaritaan dagdag ah oo arrintaan laga sameeyo, islamarkaasna uu sharciga marin doono dhammaan cidda falka ka danbaysay.

Maamulka Airportka Ciraaq ayaa dhinacooda beeniyey inaan diyaaradda loo celin amarka uu wiilka wasiirku bixiyey dartiis, ee ay shaqo ka socotay ayraboorka, laakiin shaqaale aan magiciisa sheegin oo ayraboorka Baqdaad ka shaqeeya ayaa Reuters u sheegay inaan warkaasi waxba ka jirin, oo ugu yaraan 30 diyaaradood ay khamiistii ayraboorka kasoo dageen, diyaaraddaas kaliyana ay ahayd midda khamisitii la celiyey.