Wiil Uu Dhalay Feedhayahankii Maxamed Cali Kalaay Oo Isaga Iyo Carruurtiisu Faqri Aad U Adag Ku Noolyihiin

0
653

1Washington (Geeska)- Wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey war dad badan ka yaabiyey oo sheegaya in wiil uu dhalay feedhyahankii dhowaan geeriyooday ee Maxamed Cali Kalaay uu muddo Toban sano ah ku noolyahay xaalad faqiirnimo aad u adag ah magaalada Chicago ee dalka Maraykanka.

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa uu wargeysku ku yidhi, wiilkan iyo qoyskiisu waxa ay ku noolyihiin caawimada iyo sadaqadda. Wiilkan uu dhalay feedhayahankii muslimka ahaa ayaa ay warbixintani sheegtay in aanu aabihii arkin muddooyinkii u dambeeyey ee dhimashadiisa ka horreeyey.

Warbixintu waxa ay sheegtay in wiilkan oo 43 jir ah iyo qoyskiisu ay ku noolyihiin cuntada iyo dharka ay bixiyaan haayadaha samofalka ee caawiya dadka masaakiinta ah. Maxamed Cali waxa uu wiilkiisan dayacay tan iyo carruurnimadiisii, oo sida warbixintu sheegayso markii uu dib jiray ay kaxeeyeen dad ay saaxiib yihiin oo duruufo dhaqaale oo aad u adag ku soo koriyey. Wiilkan lagu magacaabo Maxamed Cali-ga yar oo la weydiiyey goorka aabihii kulankiisa ugu dambeeyey ayaa sheegay in ay ugu dambaysay sannadkii hore ee 2015kii markii uu aabihii u dabbaal degeyey ciiddii dhalashadiisa ee 73naad, laakiin markaas kadib aanu wax ar ah oo dambe ka maqlin. “Imika xitaa waxa aan iska daayey in aan walaalahay ka waraysto aabahay, waxa aan gaadhay heer aanan dan ka lahayn warkiisa in aan helo”

Wiilkan waxaa dhalay xaaskii ugu horreysay Maxamed Cali Kalaay oo ahayd Khaliila, laakiin xidhiidhka waalidnimo eek a dhexeeyey ayaa beri hore go’ay lamana garanayo sababta runta ah ee uu Maxamed Cali wiilkiisa curad u deyriyey, in kasta oo uu wiilku aaminsan yahay in cudurka ku dhacay ee Parkinson oo maskaxda dilaa uu qayb ka ahaa. Isla markaana sheegay in uu u malaynayaba in aabihii aanu habayaraato ee xasuusnayn in wiilkaas uu dhalay