Wiil U Dhashay Sucuudiga Oo Kelli Ugu Deeqay Inan Aanu Garanayn, Farriin Ay Twitter Soo Dhigtay Darteed

0
505

Riyaad (Geeska)- In kasta oo barkulannada bulshada ee Internet ka lagu dhalleeceeyo ka qayb qaadashada wararka been abuurka ah ama xitaa runta ah ee xiisadaha abuuraya iyo faafinta dacaayadaha aan jirin, haddana waxaa marar badan la qirayaa in baraha bulshadu kaalin mug leh ka qaateen isku xidhka dunida iyo isu soo dhoweynta bulshooyinka oo hortood ay adkayd in ay si dhow u xidhiidhaan.

Sida oo kale waxa ay baraha xidhiidhka bulshada ee internet ku si weyn u caawiyaan barnaamijyada caawida ah oo inta badan ay fududeeyaan in dad tiro badan oo meelo kala duwan joogaa ay ka qayb qaataan ururinta dhaqaalaha tabaruca ah. Kaalintaas ay baraha bulshadu ka qaataan caawimada dadka dhibaataysanna waxaa tusaale u ah qisadan oo uu geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya.

Wiil u dhashay dalka Sucuudiga ayaa go’aansaday in uu mid ka mid ah labadiisa kelyood u saaro gabadh aanu garanayn oo cabashadeeda iyo dhibaatada haysa uu ka daalacday qoraal la soo dhigay boggeeda barkulanka bulshadu ku xidhiidho ee Twitter ka.

Inanta bukaanka ah abtigeed ayaa boggiisa soo dhigay dhibaatada xanuunka ay qabto iyo in nolosheedu ay ku xidhan tahay kelli loogu tabaruco, waxa aanay noqotay farriin beddeshay nolosha inanta uu abtiga u yahay. Kadib markii wiilka dareenkisia ay taabatay qisadani.

Cabdalcasiis Bin Naafic shaamri waxa uu tegey cisbitaalka waxa aanu u gudbiyey go’aankiisa ah in uu gabadhan yar ugu deeqo kelli, taas oo aakhirkii dhamaystirantay markii dhowaan qalniin lagu sameeyey uu guulaystay, inantiina si guul leh loogu beeray. Arrintan oo dad badan oo Sucuudiga ah dareenkeedo soo jiidatay ayaa sababtay in isla twitter ka laga abuuro bog ‘Hashtag’ loogu magac daray wiilkan oo loogu mahadnaqayo.