WHO: Dadka U Dhinta Qiiqa Dhuxusha Iyo Xaabada Ayaa Ka Badan Kuwa U Dhinta Cudurka AIDS Ka Iyo Duumada

0
785

Picture3London (Geeska)- Dalka Ingiriiska ayaa marti-gelinaya shir caalamiya oo lagaga tashanayo nadaafadda mad-bakha cuntada lagu karsado, iyo saamaynta ay noocyada dhuxusha, xaabada iyo dabka furani ku yeelan karaan caafimaadka cuntada. Wasaaradda horumarinta caalamiga ah ee dalka Ingiriiska oo ah waax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa khamiistii toddobaadkii hore sheegtay in ay marti gelinayso shir ay baaqiisa lahayd oo ay hawl-socodkiisa iska kaashanayaan ururka caafimaadka adduunka iyo isbahaysiga caalamiga ah ee helidda dab cunto karineed oo nadiif ah. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in kulankaas caalamiga ah lagu daraasayn doono raadadka caafimaad iyo deegaan ee ka dhalanaya adeegsiga dhuxusha, xaabada iwm. Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in warbixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay xaqiijisay in sannad kasta Afar Milyan iyo Saddex boqol oo kun (4.3 Milyan) oo ruux ay u dhintaan cudurro ka dhashay qiiqa ka baxa mad-bakha cunto karinta ee dabkiisa lagu shido dhuxusha, xaabada, digada ama lafaha xoolaha, iwm. Waxa aanay wasaaraddu hoosta ka xariiqday in tiradaasi ay aad uga badan tahay tirada dadka u dhinta cudurrada maanta dunida faraha baas ku haya ee ay ka mid yihiin, AIDS, Duumada (Kaneecada) iyo Qaaxada (TB). Lynne Featherstone oo ah wasiiru-dawlaha Ingiriiska ee arrimaha horumarinta caalamiga ah ayaa iyada oo kulankan ka waramaysa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Waa masiibo in dad badani ay khatar u galaan sababo la xidhiidha cunto karinta iyo dabka ay u shitaan kulaalista iyo dugsiga guryahooda. Waxaa loo baahan yahay in bulshada caalamku ay dadaal badan geliso sidii xal ficil ah loo heli lahaa, si loo xaqiijiyo in dadku ku noolaadaan nolol caafimaad”