WhatsApp Oo Macaamiishiisa U Ogolaaday Fursad Intii Hore Ka Badan Oo Ay Ku Tirtir Karaan Farriimaha Ay Direen Ee Ay Rabaan In Ay Ka Noqdaan

42
4215

Washington (Geeska)- Adeegga dirista farriimaha ee WhatsApp oo ay leedahay shirkadda Facebook ayaa dhowaan soo saaray adeeg cusub oo macmiilka fursad u siinaysa in farriinta uu qof kale u diray, haddii ay la noqoto in uu masaxo farriintaas muddo 7 daqiiqo gudahood ah uu dib uga masixi karo taleefanka qofkii uu u diray.

Adeeggan cusub ayaa illaa hadda si buuxda ugu shaqayn kara barnaamijka WhatsApp ee lagu isticmaalo taleefannada ku shaqayeea Android ka, laakiin weli shirkaddu ma’ay caddayn goorta ay adeeggan cusub u fasixi doonto barnamaijyada kala duwan ee dunida lagua isticmaalo sida IOS ka. Farriinta uu qofku diro ee uu haddana tirtiro waxa uu barnaamijkani qofkii laga tirtiray halkii farriinta ugu beddelayaa ogeysiis ah, ‘Farriintii waa la tirtiray’.

Adeeggan oo ay shirkaddu bilowday sannadkii hore ayaa shacbiyad aad u badan ka helay macaamiisha aadka u isticmaala barnamaijka WhatsApp, waxa se bilowgii jirtay cabasho badan oo la xidhiidhay waqtiga uu qofku fursadda u haysto in uu tirtiro farriinta, taas oo sida muuqata ay shirkaddu hadda kaj awaabtay. Waxa kale oo ay shirkaddu hadda soo kordhisay in farriimaha uu qofka diray ka noqon karo, kaddibna ka tirtiri karo taleefanka qofka uu u diray aanay ku koobnaan kuwa qoraalka ah, balse ay sida oo kale ku jiraan sawirrada iyo fiidyowyadu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here