Whatsapp Oo Diyaarisay Adeeg Macmiilka U Suuragelinaya In Uu Masaxo Farriintii Uu Qofka U Diray

28
3806

Washington (Geeska)- Shirkadda WhatsApp ayaa diyaarisay adeeg cusub oo macaamiisha u suuragelinaya in ay masaxaan farriintii ay u direen qofka. Tusaale ahaan farriin uu qof ama Koox ‘Group’ si qalad ah ugu diray.

“Adeegga ‘Deleting Messages for everyone’ waxa uu kuu ogolaanayaa in aad masaxdo farriimaha aad u dirtay koox ama shakhsiyaad. Waxa ay arrintani faa’ido gaar ah leedahay marka aad farriin si qalad ah ugu dirto qof aanad ku wadin, ama marka farriinta aad dirtay uu qalad ku jiro” Sidaa waxaa u qornaa farriin qaybta farriimaha ee ‘WhatsApp’ macaamiisha u qaybisay.

Qaabka adeeggani kuugu shaqaynayo

Marka aad doonayso in farriin aad dirtay aad ka masaxdo qofkii aad u dirtay, waxa aad furaysaa akoonkaaga ‘WhatsApp’  kadib waxa aad dul tegeysaa farriinta aad doonayso in aad tirtiro. Farta ayaa aad saaraysaa oo aad cabbaar yar ku haynaysaa. Marka hadhowdo (Highlight) ayaad taabanaysaa batamka dusha sare ka muuqda ee ay ku qorantahay ‘Delete For Everyone’ Waxa aad samayn kartaa in adiga oo habkan maraya aad dhowr farriimood hal mar wada hadhayso kadibna mar wada tirtirto.

Waan tijaabiyey oo iima shaqaynayo?

Haddii aad iskudayday adeeggan laakiin markii aad farriintii hadhaysay aad weyday dalabkii ahaa, ‘Delete For Everyone’ qaladku waa Nuskhadda WhatsApp (Version) ee aad isticmaalayso. Waxa ay shirkaddu imikaba sheegtay in adeeggani uu shaqaynayo oo keliya marka Nuskhadda (Version) labada qof ee diraha iyo loo diruhu isticmaalayaan uu yahay kii ugu dambeeyey ee ay shirkaddu soo saartay. Waana isku mid haddii talefanka aad ka isticmaalayso ‘WhatsApp’ ku yahay Android, iPhone ama Windows Phone.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay in shirkadda bixisa adeegga ‘WhatsApp’ oo macaamiisheeda billaha ahi kor u dhaafeen Hal bilyan ay sheegtay in qofku uu farriintiisa tirtiri karo oo keliya toddoba daqiiqo gudahood markii uu diray, laakiin haddii toddoba daqiiqo ka badan laga soo wareego kuuma shaqaynayo adeeggan Tirtiridda farriimaha aad dirtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here