Whatsapp Dhammaadka 2017 Ka Waxa Uu Joojin Doonaa Ku Shaqaynta Talefannada Gacanta Qaarkood … Sababta!

22
2614

Washington (Geeska)- Adeegga isu dirista farriimaha gaagaaban ee ‘WhatsApp’ ayaa lagu wadaa in uu dabayaaqada bishan aynu ku jirno ee Diisambar 2017 ka joojiyo ku shaqaynta qaar ka mid ah talefannada gacanta ee casriga ah. ‘WhatsApp’ ayaa macaamiishiisa kula taliyey in ay cusboonaysiiyaan barnaamijka talefannadoodu ku shaqeeyaan, haddii ay doonayaan in ay ‘WhatsApp’ ku sii shaqeeyaan, haddii kale ay fishaan in barnaamijku ka istaago.

Wargeyska Daily Express ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa Axaddii toddobaadkii hore ku warramay in laga bilaabo 31ka Diisambar 2017 uu ‘WhatsApp’ joojin doono ku shaqaynta talefannada ku shaqeeya nidaamka ‘Blackberry 10’ iyo sida oo kale dhammaan talefannada gacanta ee ku  shaqeeya barnaamijka ‘Windows 8 Phone’ noocyo ka mid ah talefannada ‘Nokia’ waxa kale oo talefannada uu adeeggani ka joogsan doono ka mid ah dhammaan talefannada ku shaqeeya barnaamijka ‘Android’ ee tirsigiisu yahay 2.3.7 ama ka hor, laakiin iyaga waxa uu adeeggu ka joogsan doonaa sannadka 2020 ka.

Bilowgii sannadkan dhammaadka ah ee 2017 ka ayaa Malaayiin qof oo ka mid ah dadkii isticmaali jiray adeeggan ‘WhatsApp’ uu mar keliya ka wada istaagay, kadib markii ay shirkaddu wax ka beddel iyo horumarin ku samaysay adeeggan ay isticmaalaan dadka ka badan 1 Bilyan oo qof, iyada oo ku soo dartay tiknoolajiyad aan ogaalanayn in lagu isticmaalo qaar ka mid ah talefannadii hore.

Sannadkii 2009 ayaa Brian Action oo Maraykan ah iyo Jan Koum oo Yuhuudi Ukraine u dhashay ah labadoodubana hore uga shaqayn jireen shirkadda ‘Yohoo’ waxa ay aasaaseen adeegga ‘WhatsApp’ bishii Feebarweri ee 2014 kana shirkadda caanka ah ee Facebook ayaa iibsatay ‘WhatsApp’ oo ay siisatay lacag dhan 19 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here