Weligaa Boqor Ha Aaminin Xitaa Haddii Uu Ku Boqro, Haweenna Ha Aaminin Xitaa Haddii Ay Addoon U Noqdaan Jacaylkaaga

0
1292


Hargeysa (Geeska)- Qisaska xilliyadii boqorrada reeruhu u talin jireen Carabta laga sheego, waxaa ka mid ah qisadan oo ay ku jirto xikmad wadata tusaalaheedii maragga u ahaa.
Nin boqor ah ayaa habeen habeennada ka mid ah isaga oo is qarinaya goor fiid ah dhex wareegay magaaladii, si uu xogogaal ugu noqdo xaalka dadkiisa, waxa aanu sii kaxaystay wasiirkiisii koowaad. Waxa uu ku soo baxay guri furan oo uu nin waayeel ahi kelidii joogo, kaddib si uu xaalka gurigan iyo odaygan u ogaado ayaa uu ugu baydhay. In kasta oo aanu ninkan odayga ahi garanayn in martidiisu ay tahay raggii dalka maamulayey, haddana si xushmad badan ayaa uu u soo dhoweeyey.
Markii sooryadii iyo sheeko kooban la dhammaystay ayaa ay boqorkii iyo wasiirkiisii u holladeen in ay tagaan, inta ay odaygii uga mahadnaqeen ayaa ay u sheegeen in ay ka tegeyaan, laakiin boqorka oo aad ula dhacsanaa xikmaddii uu ninkan intii ay sheekaysanayeen ku arkay ayaa intii aanu tegin ku yidhi, “Xikmad badan ayaa aanu kaa faa’iidaysannay, waxa aan kaa codsanayaa inta aannaan kaa tegin in aad erey iyo laba talo ah nagu sagootido”
Ninkii waayeelka waxaa waxa uu boqorkii iyo gacanyarihiisii la socday ku yidhi;
– Weligaa boqor ha aaminin, xitaa haddii uu ku boqro?
– Weligaa haween ha aaminin xitaa hadday jacayl dartii addoon kuu noqdaan.
Boqorkii iyo wasiirkiisii waa ay ambabaxeen, laakiin wasiirku waxa uu dareemay in boqorku aad uga xun yahay hadallada uu ninkan waayeelka ahi ku yidhi, oo uu u arkayey macno darro iyo in aanu wax cusub u faa’iidayn. Ninkii wasiirka ahaa oo isagu aad u fahmay xikmadda odayga, ayaa damcay in uu boqorka dhacsiiyo xeeldheerida ereyada uu dhayalsaday ee odaygu u sheegay.
Markii waagu baryey ayaa uu si qarsoodi ah u galay beertii boqorka oo waxa uu ka xaday shimbir uu aad u jeclaa boqorku, kaddib inta uu xaaskiisa u geeyey ayaa uu u sheegay in shimbirkaas ay meel qarsoodi ah dhigto oo aanay qof bani’aadam ah u sheegin. Waxa uu u sheegay in shimbirka uu ka soo xaday boqorka, oo haddii uu ogaado uu dili doono. Gabadhiina sidii ayaa ay yeeshay oo waa ay qarisay shimbirkii.
Maalmo kaddib ayaa uu ninkii xaaskiisa u yimi oo ka dalbaday in ay u dhiibto silis dahab ah oo ay lahayd. Waxa uu u sheegay in uu dheeraad ku sood ari doono dibna u soo qurxin doono. Gabadhii iyada oo faraxsan ayaa ay odaygeeda u dhiibtay siliskii. Laakiin odaygii waa uu soo celin waayey. Maalmo badan markii ay sugtay ayaa ay maalintii dambe weydiisay, sababta uu illaa waqtigaa ula maqan yahay siliskii.
Ninkii wasiirka ahaa waxa uu afadiisa u sheegay, in sidii uu markii hore wax ugu sheegay qaldanayn, oo siliska aanu u geynin farsamayaqaan.
Waxa uu u sheegay in uu gabadh labaad jeclaaday, oo markii uu guur ka dalbaday ay silis weyn ku xidhay, isna maadaama oo aanu awoodayn in uu soo iibiyo uu damcay in uu kan siiyo, marka uu hadhow wax helana xaaskiise hore mid kale u iibiyo.
Gabadhii cadho ayaa ay is madax martay, waxa ay go’aansatay in ay ka aargoosato ninkan. Sida ugu xanuunka badan ee ay uga aargoosan karto markii ay ka fikirtayna, waxa ay isku qancisay in ay boqorkii u geyso shimbirkii uu ka soo xaday una sheegto in saygeeda uu aaminay, uu soo xaday.
Boqorkii aad ayaa uu uga cadhooday in wasiirkiisa koowaad ee uu talo iyo adduunba ku aaminay shimbirkiisii dhaafiyey. Waxa aanu degdeg u amray in la soo xidho wasiirka oo weliba khiyaamo qaran lagu soo oogo si nafta loo dhaafiyo.
Ninkii wasiirka ahaa markii maxkamadda la soo taagay, waxa aana lagu qaaday dacwaddii u taallay oo ahayd in uu khiyaameeyey boqorkii aaminay, iyo in uu tuugo kula kacay qasriga.
Markii xukunkii ninkii ku dhacay ayaa la weydiiyey, inta aan maxkamadda la xidhin in uu erey odhanayo. Ninkii wasiirka ahaan jiray oo fursaddii ka faa’iidaysanaya ayaa inta uu jeebkiisa ka soo saaray siliskii gabadha waxa uu ku jeestay boqorkii oo uu ku yidhi, “Ma xasuusataa xikmaddii habeenkii uu ninka waayeelka ahi inoo sheegay ee ahayd; boqorka ha aaminin xitaa haddii uu ku boqro, dumarna ha aaminin xitaa haddii ay jacayl dartii addoon kuu noqdaan”
Markii uu ereygii yidhi, ayaa uu boqorkii fahmay in ay wax qaldan yihiin. Iyo in uu ninkan wasiirka ahi waxan oo dhan u yeelay in uu fahamsiiyo xikmaddaas. Halkaas ayaana lagu cafiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here