Weli Ma Isweydiisay Sababta Facebook Uu Kuugu Soo Diro Xayeysiisyo Adiga Ku Khuseeya

35
3281

Washington (Geeska)- Facebook oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca tiknoolajiyadda ee dunida ayaa si joogto ah ula kulmaysa doodo sharci iyo muranno kaga imanaya macaamiisheeda oo la xidhiidha sida ay u ilaaliso xogta lagu aaminay. Marka laga tago muranka ka taaggan xogta codbixiyaha Maraykan oo sida uu hore Geeska Afrika u baahiyey in ay shirkaddu siisay guddidii ol’olaha Trump, ee doorashadii 2016 ka, waxaa jirta doodo kale oo iyaguna qaba in shirkaddu ay xogtan siisay dhinacyo siyaabo ganacsi uga faa’iidaysanaya.

Haddii aad beddesho nooca taleefankaaga ama kombiyuutarka aad ka isticmaasho Facebook, waxa aad markaba arkaysaa xayeysiisyadii ku ladhnaa boggaaga Facebook oo noqday kuwo waafaqsan ama khuseeya aaladdan aad isticmaalayso. Laakiin inta badan isma weydiinno sida uu Facebook ku gartay in xayeysiiskaasi innaga innagu habboon yahay?

Facebook waa uu ku yaqaannaa

Haddii aad ka mid tahay dadka 2 Bilyan gaadhaya ee isticmaala shabakadda Facebook, waxaa hubaal ah in Facebook uu si fiican u garanayo taariikhda dhalashadaada, lambarka taleefankaaga, shaqada aad ka shaqayso iyo marar badan xirfaddaada, balwadaha aad xiisayso sida muusiga aad jeceshay, meelaha aad tagto, noocyada gaadiid ee aad ku safarto, iyo siyaabaha aad jeceshahay in aad waqtiyadaada firaaqada u qadaato.

Facebook si xogtani ay uga caawiso ogeysiisyada xayeysiis ee ay faafinayso, waxa ay xogta macaamiisheeda isugu xidhaa qaybo is leh, sida in ay isku xidho dadka isku da’da ama jiilka ah, jinsiga, dadka isku taleefanka ama isku kombiyuutarka isticmaalaya iyo waxyaabaha la midka ah, waxa aanu facebook ku doodayaa in sababta uu sidaas u yeelaa ay tahay in uu xayeysiisyada uu baahinayo ka dhigo kuwo macno u samayn kara macaamiisha.

Facebook waa uu leeyahay saddex edeg oo uu ku kala ururiyo macluumaadka macaamiishiisa, kuwaas oo ah kuwa uu marka dambe ku saleeyo xayeysiisyada uu dirayo. Egeyadaas waxaa lagu magacaabaa ‘Ad Preferences’ oo macnaheedu noqonayo doorbidka xayeysiiska:

  1. Waxa aad xiisayso ama danayso: Waxa uu halkan ku ururiyaa xogta muujinaysa dookhaaga, xirfaddaada, noocyada isboortis ee aad xiisayso, meelaha aad tagto, waxa aad qabato, qoyskaaga, waxbarashadaada, balwaddaada iyo hab nololeedkaaga.
  2. Xayeysiislayaasha aad hore ula xidhiidhay: Facebook waxa uu xogtaada ku xidhaa shirkadaha iyo shakhsiyaadka haya xogo adiga ku khuseeya, tusaale ahaan aad hore ula macaamishay, bogaggooda facebook jeclaatay ‘Like’ faallo ku darsatay, ‘Comments’ dib u sii baahisay, ‘Share’ iwm. Kaddibna wixii xayeysiisyo kale ah ee ay shirkadahaas ama qofafkaasi samaynayaan ayaa ay kugu soo diraysaa boggaaga gaarka ah.
  3. Xaaladdaada bulsho: Qaybtan waxa uu Facebook ku ururiyaa xaaladda bulsho, goobtaada shaqo iyo nooca shaqo, (Waa haddii aad xogtan hore ugu buuxisay boggaaga Facebook) kaddibna waxa uu kuu soo dirayaa xayeysiisyo waafaqsan xogtan.

Talooyin:

Haddii aad xisaabtaada / akoonkaaga Facebook ka tirtirto dhammaan xogahaaga la xidhiidha, waxa aad xiisayso, xogtaada shakhsiga ah, taas macnaheedu ma’aha in aanad mar dambe heli doonin ama ay yaraan doonaan xayeysiisyada Facebook kuugu soo dhacaya. Waxa se uu macnuhu noqonayaa in xayeysiisyada laguu soo diyarayaa ay noqdaan kuwo kala duwan oo si aan habaysnayn u soo dhacaya. Kuwo ku khuseeya iyo kuwo aan ku khusayn labadaba..

Igi dambayntii suurtagal ma’aha in aad iska joojiso xayeysiisyada ay Facebook kuu soo dirayso, sidaa awgeed dhibi kuma jirto in aad deysato ugu yaraan xayeysiisyada laga yaabo in aad xiisayso ee si uun kuu khuseeya. Shirkadda Facebook ayaa ku doodaysa in fadliga xayeysiisyadaas ay kuugu soo dirayso boggaagu uu yahay ka keenay in Facebook adeegsigiisu bilaa lacag noqdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here