Weftigii Wada Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Dalka Ku Soo Noqday

0
552

Hargeysa (Geeska)-Weftigii Somaliland uga qayb galay Shirkii wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo ee wejigiisi labaad lagu qabtay Dalka Jabuuti oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa waxay ka xog warameen qaabkii uu shirku u dhacay iyo waxyaabaha la isku af gartay.

Weftigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahim,Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa ugu horeyn Wasiiru dawlaha Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan oo isagu ugu horeyn ka hadlaya wada hadalada iyo qodobadii lagu heshiiyey  ayaa yidhi “Dhammaanba waxaanu isla qaadanay geedi socodka, midnimada iyo horumarka, wax wada qabsiga iyo walaalnimada iyo mid ahaanta qaranimada Somaliland iyo waxaynu wada leenahay oo u dhan ahay ka wada shaqeeyno, wixii tabasho ah inaynu gogol ku dhamaysano, midnimo, horumar iyo nabad inaynu dhamaanteenba ka wada shaqeeyno, ayaanu isla qaadanay, waxaan u maleenayaa Warbaahinta waad ka aragteen Cali Khalif Galaydh go’aankiisi kama dambaysta ahaa iyo garashadiisi inuu u gudbiyey dhammaan Adduunka iyo Somalilanba”.

Wasiirka Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahim, oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaanu tagnay dal yar oo dadkiisuna yar yahay, hasa yeeshe dawladnimadiisu weyn tahay, hamigoogu weyn yahay,horumarkoodu weyn yahay oo ku dayasho mudan, waxa yaal todoba Saldhig, mid waliba wuxuu soo kordhiyey mooyaane wuxuu dhibaato ku leeyahay ma jirto, waxaanu marnay meelihii mashaariicda laga sameeynayey, oo banaan qarfo ahaa, inta dawladood ee ku mashquulsan ee horumarka ka sameeynaysa, iyo inta dad ee ka shaqeeynaya ay tahay wax ILLAAHAY loogu mahadnaqo”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa isna isagoo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Inagoo hareerihii ka soo dhisayna, guddihiina aynu aragno inuu furfurmayo, waxba markaas lama korodhsan, waxaanu leenahay waa in midnimada laga shaqeeya, dalka la dhawraa, dalku in la dhawru u baahan yahay, la kala saara shaqsiga iyo maamulka,. Iyo qaranka,wixii Qaranka xumaynaya, qof kasta uu xumaynaya, cidina kama maqnaanayso xumaantaas”