Wefti Reer Kosovo Ah Oo Aqoosi Diyaarad Ku Raadinaya Oo Maanta Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

2
993

 

james1Hargeysa(Geeska)-Wefti ka socda dalka Kosovo ee sannadkii 2008 xorriyadiisa ka qaaday dalka Ruushka, ayaa la filayaa inay maanta soo gaadhaan caasimadda Hargeysa.

 

Weftigan oo wata diyaarad khaas ah oo ay ku xardhantahay aqoonso madaxbanaanida dalka Kosovo, waxa horkacaya Mr. James Berisha, oo ah duuliye sare, waxaanu  si mutadawacnimo ah dunida ugu marayaa safar uu ku dalbanayo in dalkiisa la aqoonsado, halka kuwii aqoonsadayna uu uga mahadcelinayo, waxaanu kulamo la yeelanayaa masuuliyiinta sar sare ee dalalka uu booqdo, haddana waxa uu lugtiisan ku marayaa wadamada Bariga Afrika, isagoo xalay u hoyday dalka Djibouti. Dal kasta oo uu weftigani booqdo waxa uu u gudbinayaa dhambaal uu ka sido dawladiisa oo lagaga codsanayo aqoonsi caalami ah.

Dalalka ilaa hadda aqoonsaday Kosovo waxa la sheegay inay tiradoodu gaadhayso 75 dal, laakiin waxaan weli aqoonsan golaha ammaanka oo ay tahay in dalka ay aqoonsanayaan uu marka hore haysto ugu yaraan 100 dal oo si rasmi ah u aqoonsan sii uga mid noqdo Qaramada Midoobay. Dalalka Golaha ammaanka ku jira ee ilaa hadda Kosovo aqoonsaday waxay kala yihiin Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska. Dalalka ku jira Qaramada Midoobay oo ay tiradoodu tahay 192 dal, waxa aqoonsaday Kosovo 75 k amid ah, waxaanay halgan ugu jirtaa inay inta hadhayna aqoonsato amaba ugu yaraan Boqol dal si ay Qaramada

Midoobay kursi ugu yeelato.  Waxaana olole diblomaasiyadeed oo liddi ku ah wadda dawladda Ruushka oo dunida ku leh magac iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo guun ah. 

Comments are closed.