Wefti Ka Socda Gobolka Oromada Itoobiya Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay iyo Nuxurka Farriinta Ay Sidaan

0
1550

Hargeysa(Geeska)Wefti madax dhaqameed ah oo ka socda gobolka Oromada ee Itoobiya ayaa Shalay galab lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa waxaana madaarka Cigaal kaga hor tagay masuuliyiin xukumadda ka tirsan iyo madax dhaqameed. Danjiraha Somaliland u fadhiya Addis Ababa Amb Axmed Xasan Cigaal ayaa sheegay in weftigani ka kooban yahay madaxda sare ee dhaqanka gobolka Oromada.

Danjiraha Somaliland ee Addis Ababa ayaa sheegay in ujeedada weftigani tahay isu soo dhawaynta Somaliland iyo Itoobiya iyo in ganacsiga labada dhinac sidiisii hore u socdo“Waxaanu Somaliland keenay wefti culus oo ka kooban madax dhaqameedka Itoobiya inta ugu saraysa. Inagu Suldaan iyo Boqor ayaynu nidhaahna laakiin, iyagu waxay yidhaahdan ‘Abaagade’ marka waa Abaagadeyaashii u sareeyay gobolka Oromada ama Itoobiya inteeda badan. Waxay yiqiinsan yihiin in Itoobiya iyo Somaliland dad walaalo ah yihiin, dad dhibaato fara badan hore u soo martay laakiin, hadda in ay gacmaha is qabsadaan oo ka tashadaan ay tahay. Waxay u socdaan in ay dadka walaaleeyaan, tijaaraduna sidii hore u socoto tusaana Itoobiya iyo Somaliland in ay yihiin dad walaalo ah,” Sidaas ayuu yidhi Amb Axmed.

Madax dhaqameedka ka socda gobolka Oromada Itoobiya ayaa dhankooda sheegay in Somaliland u tahay halbowle dhaqaale oo naftoodu ku xidhan tahay. Mid ka mid ah weftiga oo si fiican luuqada Soomaaliga ugu hadlaya ayaa sheegay in Somaliland tahay halka dhaqaalaha ugu badan ka soo galo Itoobiya marka la eego guud ahaan dalalka la jaarka ah.

‘Soo dhawayntan diirran ee kalgacalka leh ee walaalnimada iyo sharaftu ku dheehan tahay ee Somaliland golaha duqaytida dhaqanka Oromiya ku soo dhaweeyeen waan ka mahadnaqayna. Anaguna sidoo kale xiisaha aad noo qabtaan waanu idiin qabna walaaltinimadeena waan sii wadayna,” Sidaas ayuu yidhi Abaagadaha u hadlay madax dhaqameedka Oromiya.

Geesta kale waxa uu ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay Itoobiya “Somaliland dhaqaalaha Itoobiya ka soo gala jaararka qaybta ugu badan baa ka soo gasha. 93% iyo in ka badan ayaa ka soo gasha, marka ana Somaliland xuddun bay noo tahay. Xudduntii dhaqaalaha (ayay noo tahay) ilmuhu marka uu uurka ku jiro xuddunta ayuu wax ka quuta, caloosha marka uu ilmuhu ku jiro ma noolaanayo haddii aan Illaahay xuddunta ka quudinayn, marka qasabaddii aanu ka noolaanaynay ayay noo tahay iyagana sidoo kale ayaanu u nahay. Kalgacaylka aad nagu soo dhawayseen 100% waanu idinku soo dhawaynayna, Somaliland ha midawdo ha midawdo oo qayrkeed ha la simanto,” Sidaas ayuu yidhi Abaagadaha u hadlay weftiga Oromiya.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayaa madaxweynaha gobolka Oromada lemma megersa oo magaalada Nasireed khudbad ugu jeedinaya madaxda dhaqanka Oromada ee Abagedayaasha loo yaqaan waxa uu sheegay in ay Somaliland u tahay muhiim dhaqaale ahaan, islamarkaana ay casuumayaan madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu sheegay in aanu qaadka Kenya ee Miiroogu suuqa Somaliland kula tartami Karin Somaliland kadib markii Kenya bilawday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayso in ay qaadkeeda suuq uga hesho Somaliland.

Inkasta oo ujeedada weftigan gobolka Oromada ka socda lagu sheegay wanaajinta xidhiidhka bulshada Oromada iyo Somaliland iyo waliba isu socodka dhanka dhaqaalaha haddana waxa jira warar sheegaya in aanay arrimo siyaasadeed ka madhayn maaddaama qaadka gobolka Oromadu suuq xaami ah ku haysto Somaliland.

Madax dhaqameedka Somaliland ee weftiga soo dhaweeyay waxay sheegeen in waxa ugu weyn Somaliland tahay qaddiyadda madax bannaanida, islamarkaana ay tahay in weftigu ra’isal wasaare Abiy gaadhsiiyo qaddiyadda Somaliland maaddaama ay qoomiyadda Oromadu hadda talada Itoobiya hayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here