Weerarkii Orlando: Sidii Uu U Dhacay, Shakhsiyadda Cumar Mateen Iyo Xogo Xiiso Badan

0
488

Cumar Matiin aabihii:

1

Warar dheeraad ah oo soo baxay saacadihii dambe ayaa daaha ka fayday in Siddiiq Matiin oo ah ninka dhalay Cumar Sidiiq Matiin uu yahay nin isu muujiya in uu siyaasi yahay, balse warbaahintu ku tilmaamtay in uu yahay siyaasi la yaab leh, waxa ay wararku sheegeen in uu sheego inuu u sharraxan yahay xilka madaxweyne ee dalka Afgaanistaan iyada oo la joogo xilli aanay doorashaba jirin, sidoo kale waxa uu warbaahinta qaar siiyaa faallooyin lagu tilmaamay kuwa dhacdhac badan bixiya, oo tusaale ahaan marar badan

hadallo is burinaya iyo mawqifyo iska soo horjeeda ka yidhaahda siyaasadda Baakistaan iyo madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Cabdalqani. Waxa aanu leeyahay barnaamij talefishan oo si aan joogto ahayn uga baxa talefishan Afgaanistaani leedahay oo xaruntiisu tahay Maraykanka.

Siddiiq Matiin oo warbaahintu ka waraysatay sida uu u arko falkan uu inankiisu geystay waxa uu sheegay in anau filayn in sababtu ku kalliftay falkaasi ay tahay mid diin la xidhiidha. Waxa aanu boggiisa Facebook ku qoray, in uu aad uga murugaysan yahay waxa dhacay, isaga oo intaas ku sii daray, “Ilaahay ayaa xisaabinaya dadka isku jinsiga ah ee is hungureeya, ee addoomaha Alle looma dirin in ay xisaabiyaan” isaga oo sida muuqata sii adkayna warka sheegaya in sababta wiilkiisa Cumar Matiin ku kalliftay falkani ay ahayd cadho uu ka qaaday dadka ragga isku jinsiga ah ee is guursada, gaar ahaan mar uu shaarac ku arkay laba nin oo is dhunkanaya. Waxa uu Saddiiq intaas ku sii daray duco uu Alle ka baryey in uu dhalinyarada ku hadeeyo diinta toosan. “Waxa aan halkan ka caddaynayaa in wiilkaygii la dilay, waana war murugo badan. Waxa aan is weydiinayaa sababta uu bishan barakaysan ee Ramadaan ugu kacay falkan” ayaa uu yidhi Sidiiq Matiini.

Farriintii ugu murugada badnayd:

Farriimihii ugu dareenka badnayd ee weerarkan Maraykanka ka dhacay wehelinaysay ayaa ah farriimo uu wiil madow ah oo ka mid ahaa dadkii baarka ku jiray u soo diray hooyadii isaga oo u sheegaya waxa dhacay iyo in uu baarka ku dhex go’doonsan yahay, nin hubaysanina dadkii mid mid u dilayo, waxa aanu ka codsaday in booliiskii lala xidhiidho. Wiilkani waxa uu hooyadii u sheegay in uu galay mid ka mid ah suuliyada baarka oo isaga iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii Baarku ay ku dhuumanayaan. Isaga oo intaas u raaciyey, “Hooyo, waa aan ku jecelahay” Hooyadii ayaa iyadu markii dambe dhowr farriimood u dirtay, waxa aana ka mid ahaa, “Waxaa la leeyahay dadka qof kastaa waa in uu halkiisa joogaa, cidi wax ma noqotay, suuligee aad ku jirtaa? Laakiin aanu ka soo jawaabin. Wiilkani markii uu arkay in Cumar Matiini uu ku soo dhow yahay halkii uu ku gabbanayey ayaa uu hooyadii u qoray, “Waa uu soo socdaa, hooyo waa aan dhimanayaa” farriintii u dambaysay ee uu u soo dirayna waxa ay ahayd, “Hooyo, waa uu na helay oo waa kan hadda na ag jooga”