Waxqabadka Xoghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose Ee Degmada Berbera Mudadii Uu Xilka Hayey

0
835

Picture2Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Berbera Suhayb Maxamed Cali waxa lasoo magacaabay bilowgii mudo xileedka Golaha Deegaanka Berbera ee Cusub Waxaanu  La Jaanqaaday oo la dhaqaajiyey hawlaha ay ka qabteen Degmada Berbera Golahaasi waxa uu ahaa mishiinka isku xidhaya hawlahaasi oo dhan ee fulinta iyo hawlgalintaba iska lahaa sida sharcigu u siinayo awooda dhaqaajinta iyo hagida shaqaalaha dawlada hoose ee Berbera.

Waa Kuma Xoghaye Suhayb Maxamed Cali?

Suhayb Maxamed Cali waxa uu kamid ahaa Madaxda Shirkada Telesom ee Somaliland ka hor xilkaasi waxa uu mudo dheer ahaa Macalin waxka bara Dugsiyada iyo Jaamacada  golis ee magaalada Berbera waxaan la ilaawi Karin  doorkii  weynaa ee kulahaa aasaaskii  machadlii Iimaamu Shaafici ,  bilowgii sagaashanaadkii  kaas ay ka soo aflaxday dhalinyaro tiro badan oo  manta masuuliyado waaweyn u haya qarankan, waxaana siweyn looga yaqaanaa magaalada Berbera iyo Guud ahaan Gobolka Saaxil oo ku sugnaa intii  badnayd noloshiisa.

waxa kale oo  uu kamid ahaa Aasasayaashi iyo Gudoomiyihi hore ee Ururka Akhris Berbera ee (Berbera Readers Club isagoo in badan oo ka mid ah dhalin yarada reer saaxil indhahooda ka soo jeediyayay balwadaha dilaaga ah kuna tirtirsiyay wax Akhriska culuumta,

waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii sida firfircoon ee maalka iyo maskaxdaba kaga qeyb qaatay halgankii xisbigii kulmiye ku hantiyey talada dalka Somaliland.

waxaanu halkan idiinku soo gudbin doonaa dhawr arimood oo kamid ah waxyaabaha uu qabtay ee lataaban karo, iyadoo waxqabadkiisu yahay mid guud ahaan ka muuqda adeegyada aasaasiga ah ee Degmada Berbera.

1. Mashaariicdii Horumarineed ee Berbera Ka Hirgalay.

Mashaariicdii Berbera Ka hirgalay Mudo sanad iyo badh ah ee ay fulisay Dawlada Hoose ee Berbera, kuwaasi oo qabsoomay mudo xileedkiisa waana xoghayihii ugu horeeyey ee doorka ka qaata mashaariicdii ugu badneyd ee dawlada hoose fulisay ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xadhiga ka jaray.

2. Wadashaqeynta iyo Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee Maayarka & Xogahayaha

Waxaa wax lagu farxo ah xidhiidh saaxiibtinimo wada shaqeyneed iyo is afgarad ee ka  dhexeeya Xoghayaha iyo  Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Berbera taasoo aan hore loogu aqoon maamulka D/hoose ee berbera iyadoo is qabsi iyo murano raagaadiya hawl socodsiinta ay dhex mari jireen masuuliyiintaas, balse waxa laga dhaxlay wada shaqaynta muga leh  markaad ila egto waad qiraysaa in isa fahamku yahay qeyb weyn oo wax qabadka kamid ah.

A. Talo Wadaga iyo Wadashaqeynta Gudoomiyaha iyo Xoghayaha waxa ka faa'iidey dadka reer Berbera ee ku dhaqan magaalada guud ahaan gaar ahaana  dadkii danyarta ahaa oo  loo sharciyeeyey dhulkoodii.

B. Waa Markii ugu horeysay Taariikhda Wadooyin Laami ahoo  lamariyey Xaafada Laboqow ,security lamps lagu xidhadhay qaybo  badan oo magaalada ka mid ah   laamiyadaasi oo tiro beelay, ilaa batalaale marka lagu daro, waana Maamulkii Dawlada hoose ee u horeeyey ee talaabo cadcad ka qaaday xaafadaasi oo lagu horumarinayo, alle labada masuul miisaanka xasanaadkooda ha ugu daro.

C. Shaqaaleynta Dhalinyaro badan oo uu qoray Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose isagoo Kaashanaya Maayarka Magaalada Berbera shaqaalahaasi oo gaadhsiisan ilaa Heer Agaasime.

D. Arinka Ugu weyn ee laga dhaxlay Xidhiidhka Wanaagsan ee Xoghayaha Fulintu La wadaaagay Maayarka waxa kamid ah in Maayarka Cabdishakuur kusoo biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye taas oo kamid ah waxqabadka xoghayaha Maadaama Maayarka oo ahaa xildhibaankii ugu codadka badnaa Golaha Deegaanka Berbera uu kusoo xoojiyey Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

intaas marka aan ku dhaafo faaiidooyinka xidhiidhka labada Masuul aan sii wado waxqabadka Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera, aan u gudbo qodobka sedexaad ee waxqabadka Xoghayaha Fulinta.

3. Daminta Shaqaaqoyinka Bariga Berbera

Waxa uu Door muhiim ah ka qaatay Xalintii Shaqaaqadii bariga ku dhexmartay beelo walaalo ah oo deegaanadaasi isku hayay.

4.Hirgalinta iyo Ka Qeybqaadashada Jidka Berbera iyo Raaribuul.

Jidka Isku xidha Berbera iyo Raaribuul ayaa waxa ka socda dhisme la doonayo in laga hirgaliyo goobtaasi laami lamaro waxaanu uu Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Berbera ka Qaatay Door muhiim si ay u hirgasho himilada dadka deegaanka ee u hiloobay jid ay kaga baxaan dhibaatada wado xumo ee deegaanadaasi haysatay.

Ugu dan bayn magaalada Berbera oo in badan lagu xaman jirayinay maamuladii hore u soo xuli jireen masuuliyiin dadka ku dhaqan kala dila ama kala fogeeya waxay manta ku nimcaysata maamul isku duuban isla markaana wada tashi iyo wada shaqayn fiicani ka dhexayso, waxaana marag ma doon u ah  in D/hoose ee berbera ku gulaysatay sanadkii tegay 2013 dowladaha hoose ee wadanka tii ugu wax qabadka badnayd, taasna lama heleen heleen hadaan isku duubni jirin.

Sidaa awgeed waxaynu dhamaan teen ka dheregsanahay  waayo aragna ku nahay wax ka sheega masuuliyiinta qaranka ee aynu aragno wax qabadkooda fiican   cida wax ka sheegtaa inay tahay cid ka weydey dan gaar ahaaneed oo guracan oo ay rabtey in loo fuliyo ,  taasina waa arin manta shacbiweynaha S/L meel kasta ha joogee waayo arag ku yahay.