“Waxaynu Isku Haysano Xal Waynu Ka Gaadhi La’nahay, Somaliya Hub Urursi Ayey Ku Jirtaa”

0
1278

Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Gawaadhida gaashaman ee Dawladda Qadar ay ugu deeqday Somaliya, waxaanu tilmaamay inay Somaliland khatar ku tahay.

Xildhibaan Maxamed Faraax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in xal deg deg ah laga gaadho khilaafka Xisbiyada, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dawladda Somaliya ka dhisani, dagaal dhinacyo badan bay inagula jirtaa, waxaynu ognahay in Maamulkii Hawadeena lagu wareejiyey, waxaynu ka war haynaa in Shirkado Shiinaha ay heshiis la gashay heshiiskaas oo Baddeenuna qayb ka tahay, waxaynu ognahay in xitta Wasiirkii Gaashandhiga Ingiriiska ee dhawaan dalkeena yimid inay Dacwad ka gudbisay, markaas Dawladda Somaliya dhinac walba wey inagala dagaamaysa, oo wax alaale waxay inoo ogoshay ma jirto”.

Xildihbana Qabile mar uu ka hadlaayey khilaafka Xisbiyada iyo Gawaadhiga Gaashaman ee Somaliya loogu deeqay ayaa yidhi “Inagu dhexdeena ayeynu iska haysaana, oo waxaynu isku haysano xal weynu ka gaadhi lanahay, Dawladda Somaliya ka talisanaa hub urursi iyo abaabul inaga dhan ah ayey ku jirtaa, oo weynu arkaynaa in Qadar ay ugu deeqday Gawaadhi Gaashaman,ee waxaan leeyahay aynu soo af jarno khilaafka dhexdeena, oo aynu isku diyaarino dagaal kasta oo Somaliya inagaga iman kara, Madaxweynahana waxaan leeyahay adiga ayaa masuulkii ugu sareeye dalka ee waxaa lagaga fadhiyaa inaad isticmaasho Dublamaasiyad iyo Siyaasad aad ku waajahado Dagaalka Somaliya ee dhinacyada badan, waxaana lagaga baahan yahay inaad dalka iyo dadkaba u horseedid inaynu xidhiidh la yeealano Dawladdo awood leh”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here