“Waxaynu Dal Ku Nahay Sharciga, Maaha In La Is Cabudhiyo”Xildhibaan Cali Aareeye

0
671

Hargeya (Geeska)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay Shirkadaha sahminta shidaalka ka wada deegaano ka mid ah Dalka, waxaanu sheegay inay sharci daro tahay in iyadoo Golaha Wakiilada la soo marin inay Shirkaduhu dalka shidaal baadhis ka sameeyaan.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xadhigii dhawaan la xidhay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Salel, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya Xadhiga Guddoomiyaha Salel “Waxaynu dal ku nahay sharciga iyo kala dambaynta,balse maaha in la is cabudhiyo, si khalada oo sharci daro ah, ayaa lagu xidhay Guddoomiyaha Salel ee Xisbiga Waddani,haddii dadka Deegaanad Gobolka Salel ay noqdeen Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo ay dantoodii u arkeen, marka meel kale oo looga soo wareego la waayey maaha in mab’dooda oo xadhig iyo cabudhin loo geysto”.

Xildhibaan Aareeye, mar uu ka hadlaayey Shirkadaha sahaminta Shidaalka ka wada dalka ayaa yidhi “Anagu wixii horumar ah ee dalka u soo kordha ma diidanin, waxaanu jecel nahay in dalkani horumar gaadho, in khayraadkiisa la soo saaro, laakiin su’aasha meesha taala ayaa ah maxay Xukuumaddan Kulmiye ugu dhaqmaysa waxay ka diidi jirtay kuna eedayn jirtay Xukuumaddii UDUB, waxaanu ka war haynay in wakhtigii Xukuumaddii UDUB, ay Xukuumaddani dhaliilo aad u badan u soo jeedin jirtay, oo ay odhan jirtay heshiisyada lama mariyo Golaha Wakiilada, hanti boob ayaa dalka lagu wadaa, balse waxa run ah in Xukuumaddani iyadu toos u badheedhay, oo sharcigii ay baal martay, sababtoo ah waxay ahayd haddii Shirkadahan wada baadhista Shidaalka in la soo mariyo Golaha Wakiilada, laakiin lama soo marin, inkasta oo laga yaabo in sidii Barlaamanka loo marsiiyey arintii Saldhiga loogana been sheegay tiradii Xildhibaanada fadhiyey, in la cabudhiyo oo loo jiidhsiiyo,haddii la hor keeno heshiiska Shirkadaha,  laakiin ilaa hadda wax heshiis ah oo ku saabsan Shirkadahan ma hayno”