“Waxay Ahayd in Saddexda Xisbi Qaranba Ay Saddex Halgamaa Hoggaamiyaan” Wasiir ka Tirsan Xukuumadda

0
591

Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland, Mudane Axmed Nuur Faahiye ayaa Mujaahid Axmed Mire Maxamed, ugu baaqay inaanu talada laba labayn ee uu taageero xisbiga uu ugu yeedhay xisbiga mujaahidku hoggaamiyo, kaas oo ah xisbiga KULMIYE oo uu murashax madaxweyne ka yahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

1

Wasiirul dawlahan ayaa qoraal uu ku qoray barta uu ku leeyahay facebook, wuxuu ku sheegay inay ahayd inay saddexda xisbi qaran hoggaamiyaan mujaahidiintii SNM. Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli soo dhoweyntii Mujaahid Axmed Mire oo Axaddiii dalka ku soo noqday laga dareemayey is-garbin iyo u kala baratan xisbiyada mid kastaa doonayo in uu ka dhex muuqdo soo dhoweynta, ama si uun u kasbadoo qalbiga Mujaahid Mire.

Wasiir Faahiye waxa uu qoraalkiisan ku yidhi, Somaliland meelkasta oo ay joogaan. Muj. waxaa ku soo

dhoweynaya ragaagii aad dhufayska iskula jirteen, libaax nin galaday

iyo nin ganayba og.

"Mujaahid Ahmed Mire Maxamed Nuux raggiisa waa yaqaan. Mujaahidka waxaan leeyahay ku soo dhowoow dalkaagii hooyo ee aad u soo halgantey. Waxaa ku soo dhoweynaya dhamaan shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaan. Muj. waxaa ku soo dhoweynaya raggaagii aad dhufayska iskula jirteen, libaax nin galladay iyo nin ganayba og. Muj. kuuma sina ragii dhaawacaaga ka dul tegi waayey ee goobta kula taagnaa iyo ninka soo shaqo tegay. Ninka maanta daramalka madhan qaraacayaa waa kuma, waa ninkii

maalin ma’, adigu Muj. miyaad ku suurma seegtoon doontaa giraanta siyaasada mise siday tahay ayaad u abaari doontaa. Muj. Waxay ahayd xaqna aad u lahayd inaad Xisbi qaran musharax ka noqotid oo weliba geelan laga hirqaday ee hadhuudh luhu maalayo aad haaneedkiisa qabatid. ka dib shacabka waxaa ka bixi lahaa wer-werka bil sadexda ah ee dul hoganaya xisbi tijaabo ah oo in badan ku simbiriirixdey hanaanka geedi socodka hiigsiga wadada dheer ee lagu baadi goobayo, ka mid noqoshada bulshada caalamku citiraafsan yahay. Halganku waa kii aad ogayd, hawl kama daale weli waa hogadii. Waxay ahayd in sadexda xisbi qaranba seddex halgamaa hogaamiyaan si dadka wer-werku uga baxo, laakiin waxaa ku keliyeystey halgamaa keliya. Geesinimada iyo raganimadu ma ta labuun-buuniyaa, ma ta markay qadhaadhaato xaska la gala. ‘Nin hadduu maalin goonya kulul kaa gel-gelin doonto… ummad yahay tiraa kaa gedmane wax isu gee-geeso"

Ayaa uu wasiir Faahiye ku soo koobay hadalkiisa, iyaa oo labadii maalmood ee u dambeeyeyna shacabka Somaliland iyo dadka arrimaha siyaasadda ka agdhowi dirqi ku sugayaan hadalka koowaad ee siyaasi ah ee uu Mujaahidka xisbiyadu ku loollamayaan yidhaahdo iyo gaar ahaan halka uu masallihiisa siyaasiga ah dhigto labaataneeyo sano oo uu dalka iyo siyaasaddiisaba dibadda ka joogay kadib.